Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia oo la filayo inay go’aanno soo saaraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Afrika, Wararka
0
Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia oo la filayo inay go’aanno soo saaraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka kasoo baxaya bahda kala duwan ee waxbarashada Ethiopia ayaa sheegaya in Jaamacadaha iyo Iskuulada guud ahaan Ethiopia ay soo saari doonaan go’aano lagu jaan goynayo laguna  ilaalinayo hanaanka waxbarashada dalkaas si loo fuliyo awaamiirta ay Dawladda Ethiopia soo saartay ee la xiriira xaaladda bandowga dalkan, taasoo saamayn ku yeelan karta goobaha waxbarashada.

Maamulada kala duwan ee Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia ayaa sheegay in ay la xiriireen oo ay ka war sugayaan hay’ada ugu sarraysa Ethiopia ee dhinaca tacliinta taasoo ah Wasaaradda Waxbarashada Ethiopia, isla markaana ay go’aan rasmi ah qaadan doonaan marka ay wada tashi la yeeshaan madaxda Wasaaradda.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay macquul tahay in fasax cayiman lasiiyo ardayda, si aysan saamayn ugu yeelan ardayda arimaha bandowga iyo awaamiirta kasoo baxay Dawladda Ethiopia.

Sidoobkale Jaamacadaha ku yaalla Deegaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa in dhankoodana la filayo inay qayb ka noqdaan go’aanada laga sugayo Wasaaradda Waxbarashada Ethiopia.

Si kastaba ha noqotee, arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dawladda dhexe ee Ethiopia ay dalkan gelisay xaalad degdeg ah, isla markaana ay arday fara badan oo isaga kala yimi adduunka intiisa kale ay wax ka bartaan Jaamacadaha Addis Ababa iyo gobolada kale ee dalkan Ethiopia.

Waxaana Dawladda Ethiopia ay dedaal ugu jirtaa ilaalinta bedqabka ardayda ajaanibta ah oo ay ka mid yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia, maadaama xaalad degdeg ah ay Dawladdu kusoo rogtay guud ahaan waddankan gaar ahaan caasimadda Addis Ababa.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Next Post
Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Facebook oo tirtay qoraalka Ra'isul wasaare Abiy Axmed

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In