Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia oo la filayo inay go’aanno soo saaraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Afrika, Wararka
0
Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia oo la filayo inay go’aanno soo saaraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka kasoo baxaya bahda kala duwan ee waxbarashada Ethiopia ayaa sheegaya in Jaamacadaha iyo Iskuulada guud ahaan Ethiopia ay soo saari doonaan go’aano lagu jaan goynayo laguna  ilaalinayo hanaanka waxbarashada dalkaas si loo fuliyo awaamiirta ay Dawladda Ethiopia soo saartay ee la xiriira xaaladda bandowga dalkan, taasoo saamayn ku yeelan karta goobaha waxbarashada.

Maamulada kala duwan ee Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia ayaa sheegay in ay la xiriireen oo ay ka war sugayaan hay’ada ugu sarraysa Ethiopia ee dhinaca tacliinta taasoo ah Wasaaradda Waxbarashada Ethiopia, isla markaana ay go’aan rasmi ah qaadan doonaan marka ay wada tashi la yeeshaan madaxda Wasaaradda.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay macquul tahay in fasax cayiman lasiiyo ardayda, si aysan saamayn ugu yeelan ardayda arimaha bandowga iyo awaamiirta kasoo baxay Dawladda Ethiopia.

Sidoobkale Jaamacadaha ku yaalla Deegaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa in dhankoodana la filayo inay qayb ka noqdaan go’aanada laga sugayo Wasaaradda Waxbarashada Ethiopia.

Si kastaba ha noqotee, arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dawladda dhexe ee Ethiopia ay dalkan gelisay xaalad degdeg ah, isla markaana ay arday fara badan oo isaga kala yimi adduunka intiisa kale ay wax ka bartaan Jaamacadaha Addis Ababa iyo gobolada kale ee dalkan Ethiopia.

Waxaana Dawladda Ethiopia ay dedaal ugu jirtaa ilaalinta bedqabka ardayda ajaanibta ah oo ay ka mid yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia, maadaama xaalad degdeg ah ay Dawladdu kusoo rogtay guud ahaan waddankan gaar ahaan caasimadda Addis Ababa.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Next Post
Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Facebook oo tirtay qoraalka Ra'isul wasaare Abiy Axmed

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In