Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIMAD oo abaalmarin caalami ah la guddoonsiiyay-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda SIMAD oo abaalmarin caalami ah la guddoonsiiyay-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Munaasabad lagu soo dhaweynayo abaalmarinno caalami ah oo ay jaamacadda Oxford iyo fadhiga ganacsiga ee Yurub EBA ay guddoonsiiyeen jaamacadda SIMAD oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socotay bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Abaal marinadaan ay jaamacaddu heshay waxa ka mid ah ruqsad ama license ay u adeegsan karto howlaheeda suuq gaynta shanta sano ee soo socota ayadoo loo eegayo sharciga ganacsi ee boqrtooyada Britain. Sidoo kale gudoomiyaha jamacadda SIMAd Dahir Hassan ayaa la gudoonsiiyay shahaadada ka mid noqoshada midowga akadeemiyada Oxford (Oxford Academic Union). Ugu dambayna jaamacadda Oxford gudoonsiisay SIMAD shahaado wanaag isla markaana u aqoonsatay mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan gobolka.

Eng Maxamuud Axmed Jimcale oo gudoomiya jaamacadda Jamhuuriya ayaa xusay in tani ay tahay guul usoo hoyatay dhamaan bahda waxbarashada ee Soomaaliya isla markaasna meesha ka saartay aragtida xun ee dadka qaar ay ka aaminsanaayeen tayada waxbarasho jaamacadaha dalka ku yaala.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIU, Prof Yahye Cali Ibraahim ayaa tilmaamay in abaal marintani macno gaar ah ay ugu fadhiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada sare ee dalka, SIMAD-na ay tahay astaan lagu daydo.

Agaasimaha xafiiska wakaaladda muslimiinta Afrika ee magacooda marka lsoo gaabiyo loo yaqaano AMA ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay abaal marintaan caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsigan caaalamiga ahi soo dhawaynayaan isla markaasna farxad gaar ah ay tahay.

Gebagebadii xaflada waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Daahir Xasan oo tilmaamay in jaamacaddu aysan raadsanin aqoonsigaan laakin loo gartay marki la arkay dadaalka dheeraadka ah ee ay jaamacaddu ku bixinayso tayaynta waxbarshada. Waxa uu tilmaamay in ay magaca soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bahda waxbarasho ay ku gudoomeen hadiyadaan dadaalkana halkiisa laga sii wadi doono.

Jaamacadda SIMAD waxaa la aasaasay 1999kii, ayadoo lagu billaabay machad bixiya waxbarashada sare gaar ahaan ganacsiga iyo xisaabaadka, sanadkii 2011-kii ayaa loo beddelay jaamacad, waxay bixisaa iminka 9 kulliyadood ayadoo ay dhigtaan ku dhawaan afar kun oo arday.

IMG_7859 IMG_7925 IMG_7961 IMG_7996 IMG_8003 IMG_8018 IMG_8025 IMG_8038 IMG_8045 IMG_8066 IMG_8080 IMG_8110 IMG_8123

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamanka Galmudug oo maanta loo qaybiyay qorsha hawleedka 4-sano ee soo socota

Next Post
Barlamanka Galmudug wuxuu ka shaqeyn doonaa wadahadalada Ahlusunna iyo Galmudug.

Baarlamanka Galmudug oo maanta loo qaybiyay qorsha hawleedka 4-sano ee soo socota

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In