Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisa dib u cagaareynta Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisa dib u cagaareynta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Qaar ka mid ah lix kun oo geed oo ay ku deeqday jaamacadda Upeace. Jaamacaddu waxay ballan-qaadday 100 kun oo geed si ay u taageerto dadaalka dib-u-cagaareynta dalka

MUQDISHO – – Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026

Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa magaalada Muqdisho.

Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha Madaxweynaha.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Soomaaliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an

“Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda  kuwaasi oo sabab u noqda  colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, sababtoo ah biyaha iyo daaqa oo yar,” ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

Agaasimaha Jaamacadda Upeace ee Soomaaliya Dr Maxamed Yuusuf (bidix) ayaa gacan qaadaya Dr Saciid Maxamed Cali oo ah kaaliyaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka isagoo ku wareejinaya geedaha ay Jaamacaddu ku deeqday.

Dadaalka UPEACE ee ka qayb qaadashada hindisaha cagaareynta qaeanka ayaa ah mid la jaan qaadaya hindisaha Midowga Africa ee “Darbiga Cagaaran ee weyne” kaas oo looga gol leeyahay in dib loo cagaareeyo 250 milyan oo hektar oo dhul ah oo xaaluf ah, laguna xoojiyo amaanka wadamada ay colaada ragaadisay isla markaasna lagu joojiyo Tahriibka.

Soomaaliya, waxa haatan dhibaato ba’an ku haya mushkiladu ka dhashay isbadelka cimilada kuwaasi oo ay ka mid yihiin xaalufka dhulka iyo cunno yari, waxay caqabd ku noqdeen dhibaatooyinkan in la gaaro horumar waara Hindisaha Somali-cagaaran waxaa looga gol-leeyahay in xal waara laga gaaro caqabadaha ka jira dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka sare ee Jaamacadda, waxaan u mahadcelinayaa Midowga Afrika iyo Ahay’adaha kale ee nagu taageeray howshan sharafta leh, waxaa naga go’an inaan dowladda Federaalka ku garab istaagno sidii ay u gaari lahayd hadafkeeda ah dalka la cagaareeyo, waana sababta aan hormuud uga noqonay hindisahan oo aan ugu deeqeyno boqolka kun ee geed ee ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed Yuusuf.

“Tani waa bilow wanaagsan iyo hindise aad u wanaagsan oo ay samaysay Jaamacadda UPEACE, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Jaamacadda iyo Midowga Afrika deeqdan 100-ka kun ee geed ah” ayuu yiri Dr Siciid Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray “in deeqdan ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha Madaxweynaha ee ah in boqol kun oo geed lagu beero Muqdisho. Dhiraynta Soomaaliya waa mudnaanta koowaad ee wasaaradda deegaanka, waxayna wax badan ka tari doontaa caqabadaha ka dhalan kara isbedelka Cimilada”

Xaalufinta dhirta waa dhibaato meel kasta ka jirta, balse Soomaaliya arrintan waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn. Waxa sanadkii la jaraa  ku dhawaad 2.5 milyan oo geed arrintaas oo u nuglenaysay dalka saameynta isbadelka cimiladda.

.

Previous Post

Dagaal u dhaxeeyo Khawaarijta Oo Ka socda degaanka Caliyaalo

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Wasiiradda D/Goboleedyada 

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Wasiiradda D/Goboleedyada 

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Wasiiradda D/Goboleedyada 

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu...

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In