Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

James Swan oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladaha ugu dambeeyay Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Caalamka, Wararka
0
James Swan oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladaha ugu dambeeyay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hanaanka doorasho oo is ogol ah sanadka 2021, kaasi oo ay ah mid ay tageereen qeybaha bulshada, isla markaana ay ku wada heshiiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Mr James ayaa amaanay dareenka isku tanaasulka ah oo ay heshiiska ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

โ€œSi aan sare u qaado wada hadalka Soomaaliya, waxaan bilaabay dhawaanahan booqasho xiriir ah oo aan ku tegayay Caasimadaha Mamaul Goboledyada, waxaana igu wehliya Wakiilada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan ogahay in Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay booqashada maamul Goboleedyada, uuna sii wado wada hadalka uu la leeyahay Madaxda Mamaul Goboleedyada, arrintan oo ah talalabo aan soo dhaweynayoโ€ ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ay noqon doonto sanad kala guur ah, kaasi oo Soomaaliya ay hogaamin doonto masโ€™uuliyadda arrimaha ammaankeeda.

Mr Swan ayaa amaanay dadaalka ay wadaan cidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo si geesinimoleh ay ku soo celinayaan Nabadda iyo xasiloonida.

Dhanka arrimaha Beniโ€™aadannimada waxa uu sheegay in weli ay baahidu taagantahay, dalkana ay heystaan saddex arrimood oo waa weyn oo kala ah COVID-19, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Mr Swan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha wada shaqeynta shanta sano ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaaka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

James ayaa uga mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageerada uu siinayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo maro kaneeco ka qaybisay qaar ka mid ah gobollada dalka โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Rooble oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In