Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo  5 ruux ah oo sida la sheegay laga soo celiyay magaalada Hargeysa ee magaalo madaxda gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Janaraal Gaafow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku dayayso markasta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo safarada ay ku aadayaan gobolada dalka hase yeeshee maamulka Soomaaliland uu sheegay in in marar badan uu sameeyay in si gaar ah loo dhibaateeyo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

“Waxaan aad ugu xunahay marar badana nagu soo noqnoqday marar badana dhibaato ka taagan tahay dadka Soomaaliyeed maanta dhibaato badan ayay qabaan way dhoofaan waxaa ay soo socdaan way sii socodaan Hargeysa iyo Berbera way aadaan waa kaga yimaadaa wanaag ayaa sameynaa qof walba oo Hargeysa ka yimaada ama Berbera ka yimaada ama Soomaaliy ka yimaada wax dhibaato ah ama mushkulad ah waligii nagalama uusan kulmin”.

“Waxaa nasiib daro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Soomaaliya sheegtay  in la dhibaateynaayo xabsi la geynaayo in si bani’aadminimada ka baxsan loola dhaqmaayo taasina waxaa ay keeni kartaa naceyb dhex mara shacbiga” ayuu yiri Gaafow.

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ku booriyay maamulka Soomaaliland in ay ku dadaalaan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed.

“Shalay halkaan dadbaa diyaarad ka raacay muraadbay lahaayeen kharash baa galay dhibaatey galeen waxay noqotay halkii laga taakuleyn lahaa in xabsi la geeyo xalay xabsi ayay ku bariyeen saakana waa la soo tarxiiley in nin Soomaali ah qof Soomaali ah soo tarxiilo wax la qaadan karo ma ahan” ayuu markale yiri Janaraal Gaafow.

Previous Post

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo maanta gaaray Beledweyne

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo maanta gaaray Beledweyne

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In