Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga gudaha oo maanta gaaray Beledweyne

caqiil by caqiil
June 9, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wefdiga Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo magaalada Muqdisho ku sugnaa maalmahan dambe, waxaana mas’uuliyiintan garoonka diyaarahah ee Beledweyne ku soo dhaweeyay xubno ka socday maamulka gobolka, saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya , kuwo Midowga Afrika ee AMISOM iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan halkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wasiirka Amniga gudaha iyo mas’uuliyiinta ka socotay ayaa waxaa ay gaareen xarunta uu ka socdo shir dib u heshiisiinta iyo aayo ka talinta gobolka Hiiraan kaas oo mudooyinka dambe halkaasi ka socday.

Wariye C/shakuur Cismaan Cali oo warbaahinta qaranka ugu soo warama gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in wasiirka uu si diiran u soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta oo ka socda magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed dhibaatooyin aad u badan soo kala gaareen loona baahanayahay in ay wada heshiiyaan.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax ayaa dhankiisa sheegay in shirka uu si aad ah ugu faraxsan yahay isla markaana ka maamul gobolka ahaan ay wixii karaankooda ah ka geysan doonaan sidii shirkan uu u noqon lahaa mid u jeedadii laga lahaa laga gaaray.

Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa waxaa uu socdaalkiisan maanta uu ku tagay magaalada Beledweyne waxaa uu qeyb ka yahay sidii u dhiirgelin lahaa shirka dib u heshiisiinta ee ka socda halkaasi isagoo sidoo kalena inta uu halkaasi jooga la kulmi doona maamulka gobolka, saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

Next Post

​Xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

Next Post
​Xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

​Xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In