Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jeneraal Dhuumaal oo sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan magaalada Baardheere
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyihii hore ee Ciidamada XDS  Jeneraal Yuusuf Xuseen “Dhuumaal” kana mid ah Saraakiisha Ciidamada  oo isaga oo ku sugan Magaalada Dooloow, la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in Dowladda ay dib uga qabsato Maleeshiyada Al Shabaab degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Jenaraal  Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in dowladda iyo Maamulka Jubba ay  labadaba ahmiyad u leedahay Baardheere oo uu sheegay in ay muhiim u tahay in sidoo kale maleeshiyaadka laga saaro gobolada Jubbada dhexe oo xuduud dhow la leh Baardheere.

Related posts

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa fashiliyay isku day Kooxda Shabaab ay ku dooneysay in Qaraxyo ay uga hortagto howlgallada ciidanka XDS.

Dhuumaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada  ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ay hadda baaris ka wadaan Ciidamada, si looga fiirsado falal ammni xuma oo ka imaan kara maleeshiyada Al Shabaab, isaga oo sheegay in qorshahaan ka xiga uu yahay in gacanta lagu dhigo Jubada dhexe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa shalay la wareegay Magaalada Baardheere, kadib markii ay halkaasi  ka saareen maleeshiyada Al Shabaab, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in sanadkaan gudihiisa lagu qabanayo deegaanada ka maqan gacanta Dowladda.

Previous Post

Dowladda Federaalka oo soo dhaweeysay guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgallada ka dhanka ah UGUS

Next Post

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Next Post
Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In