Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry oo la kulmi doona wasiirada arimaha dibadda bariga Afrika

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
John Kerry : waa taageeraynaa doorashada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa maanta sideed kamid ah wasiirada dalalka Afrika waxaa uu kula kulmi doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayagoo ka wadahadli doono sidii loo xakameyn lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suudaanta koofureed iyo xaaladda siyaasadda Soomaaliya.

Mr. Kerry ayaa waxaa uu sidoo kale la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ka hor inta uusan ka qeybgalin shirka wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya, Uganda, Suudaanta koofureed , Suudaan, Djibouti, Tanzania, Soomaaliya iyo Ethiopia to discuss
“Waxaa ka wadahadli doonaa sida aan horey ugu dhaqaajin laheyn isku dayga hirgelinta heshiis nabadeed wadanka Suudaanta koofureed,”  sidaa waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arimaha dibadda.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Dadka Suudaanta koofureed muddo dheer ayay dhibaatoonayeen, sii socoshada xasilooni la’aanta ayaa keentay in ay malaayiin kamid ah dadkaas ay guriyahooda ka qaxaan isla markaana xaaladda bani’aadanimo noqoto mid faraha ka baxda,”

John Kerry, ayaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru  Kenyatta waxaa arimaha uu kala hadli doono kamid ah xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay kamid tahay dalalka ciidamada ka howlgalaan Soomaaliya.

Mr. Kerry, ayaa sidoo kale madaxda Kenya ku boorin doona in ay ka laabtaan go’aankii ahaa in ay albaabada u laabi doonaan xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed uu muddo ka badan 20 sano halkaasi ku noolaa.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka waxaa uu kadib booqashadiisa dalka Kenya u gudbi doonaa dalka Nigeria isagoo tagi doona magaalada Sokoto, oo ah magaalo taariikhi ah oo ay degaan muslimiinta dalka Nigeria, waxaana uu magaalada Abuja kula kulmi doona madaxweynaha dalkaas Muhammadu Buhari.

 

Previous Post

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo cambaareeyay weerarkii waxashnimo ee argagixisada ay ka fuliyeen Gaalkacyo

Next Post

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”

Next Post
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ”SAWIRRO”

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta oo la kulmay Wasiirka Warfaafinta ee Suudaan iyo Wasiiro kale ''SAWIRRO''

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In