Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

“Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin in ay xal u helaan dhibaatada argagixisadu ay ka waddo gobolka, isaga oo bogaadiyay horumarka Soomaaliya.

“Kulamadeenu waxa ay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed. Bariga Afrika, waxa aan wali wajahaynaa dhibaatada xajirnimada rabshada wadata” ayuu yiri Kerry.

“Doodeenii maanta waxa aan diiradda ku saarnay saddex hadaf. Tan koowaad waa in la joogteeyo taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda si ay u difaacdo muwaadiniinteda, u xoojiso hay’adaheeda iyo si ay ula timaado hannaan doorasho oo cad.

Tan labaad waa in aan hubinno in AMISOM ay hesho taageerada ay u baahan tahay si ayada oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya ay si dhab ah oo joogto ah ula diriraan Al-Shabaab. Waxaan doonaynaa in aan hubinno in marka argagixisada laga saaro goob aysan dib ugu soo laaban. Tan saddexaadna waa heer goboleed, waa in aan xoojinnaa dadaalladeena ku aaddan nabadeynta xuduudaha, in aan wadaagno macluumaadka ku saabsan halista argagixisada, in aan tababarno sarakiil ammaan oo xirfad leh iyo ka hor-tagga aragtida xagjirnimada.

Ii ogolaada in aan caddeeyo, Waxa aan ka sameynay Soomaaliya horumar aan la qiyaasi Karin.

Dalalka gobolku waxa ay isku howleen la dagaallanka Al-Shabaab oo ay horumar ka sameeyeen. Al-Shabaab dib ayaa loo jabinayaa, sidoo kale dhaqaalaha Soomaaliya waa uu korayaa, Dowladduna waxa ay heleysaa awood. Laakin waxa aan u baahan nahay in aan samayno intaas ka badan, waana fahansan nahay arrintaas”.

Kerry, waxa uu ammaanay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo dowladnimada. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu taageerayo dowladda iyo shacabka.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Kenya, Suudaanta Koofureed, Uganda iyo Suudaan ayaa manta magaallada Nairobi kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

kerry-wasir1

14060166_1018914731539223_804397258_o

Previous Post

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Next Post

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Next Post
Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In