Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 23, 2016
in Wararka
0
John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

“Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin in ay xal u helaan dhibaatada argagixisadu ay ka waddo gobolka, isaga oo bogaadiyay horumarka Soomaaliya.

“Kulamadeenu waxa ay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed. Bariga Afrika, waxa aan wali wajahaynaa dhibaatada xajirnimada rabshada wadata” ayuu yiri Kerry.

“Doodeenii maanta waxa aan diiradda ku saarnay saddex hadaf. Tan koowaad waa in la joogteeyo taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda si ay u difaacdo muwaadiniinteda, u xoojiso hay’adaheeda iyo si ay ula timaado hannaan doorasho oo cad.

Tan labaad waa in aan hubinno in AMISOM ay hesho taageerada ay u baahan tahay si ayada oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya ay si dhab ah oo joogto ah ula diriraan Al-Shabaab. Waxaan doonaynaa in aan hubinno in marka argagixisada laga saaro goob aysan dib ugu soo laaban. Tan saddexaadna waa heer goboleed, waa in aan xoojinnaa dadaalladeena ku aaddan nabadeynta xuduudaha, in aan wadaagno macluumaadka ku saabsan halista argagixisada, in aan tababarno sarakiil ammaan oo xirfad leh iyo ka hor-tagga aragtida xagjirnimada.

Ii ogolaada in aan caddeeyo, Waxa aan ka sameynay Soomaaliya horumar aan la qiyaasi Karin.

Dalalka gobolku waxa ay isku howleen la dagaallanka Al-Shabaab oo ay horumar ka sameeyeen. Al-Shabaab dib ayaa loo jabinayaa, sidoo kale dhaqaalaha Soomaaliya waa uu korayaa, Dowladduna waxa ay heleysaa awood. Laakin waxa aan u baahan nahay in aan samayno intaas ka badan, waana fahansan nahay arrintaas”.

Kerry, waxa uu ammaanay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo dowladnimada. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu taageerayo dowladda iyo shacabka.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Kenya, Suudaanta Koofureed, Uganda iyo Suudaan ayaa manta magaallada Nairobi kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

kerry-wasir1

14060166_1018914731539223_804397258_o

Previous Post

Dhageyso: Warka Radio Muqdisho

Next Post

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Next Post
Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In