Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 45 Milyan oo dheeraad ah ay ugu deeqeyso hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, taas oo gacanta ku heysa xerada qaxootiga ee caalaamka ugu weyn ee Dhadhaab.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo socdaal ku maraya bariga Afrika ayaa hadalkaan ka sheegay dalka Kenya. “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Mareykanku uu hadda biixnayo 45 Milyan oo dheeraad ah oo lagu kabayo howl-galka UNHCR ee Kenya” ayuu yiri Kerrey.

John Kerry ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in arrinta qaxootiga aysan Kenya kaliya quseyn ee ay tahay arrinka caalamka u taalla.

“Arrintaan waa caqabad u talla bulshada caalamka, waa inaan si wadajir ah uga shaqaynaa si aan u damaanad qaadno in dadkaani aysan ku noolaan xeryaha qaxootiga marka ay dhashaan ilaa ay ka dhammeeyaan dugsiga sare, dadkan waa inay guryahooda aadaan” ayuu yiri Kerry.

“Taas waajib ayay nagu tahay, Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar, looguma talo gelin inay noqdaan magaalo ku dhex taallla waddan kale” ayuu sii raaciyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa la hadlay dhowr qof oo ku sugan xeryaha Dhadhaab, qaarkood ayaa u sheegay inay ku dhasheen xeryaha oo ay dhammeynayaan iminka dugsiga sare, qaar kale ayaa la wadaagay hammigooda ah inay bulshada wax ku soo kordhiyaan mustaqbal marka ay waxbarashadooda dhammaystaan.

Sidoo kale Kerry wuxuu sheegay in Mareykanku uu sanadkaan boqol milyan oo dollar uu ku bixinayo la dagaallanka argagixisada ee waddanka Kenya, arrintaan ayaa Kenya ka caawin doonta inay sii waddo dadaalkeedii ay magangalyada ku siinaysay qaxootiga. Kaalmadaan ayaa ka caawin doonta qaxootiga waxarashada, caafimaadka, guryaha iyo biyo nadiif ah oo ay helaan.

Previous Post

Kulan dhaqanka lagu xoojinayo oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

Next Post
Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In