Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Dowlad goboleedka jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato).
Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland loo diyaariyay la dagaalanka khawaarijta.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii Anmiga degaannada Jubbland loo sugi lahaa ayna ka qeyb qaadan doonaa dagaalka ka dhanka ah khawaarijta
Xerada Ma dhamaato ayaa dhawaan waxaa banayeeyay Ciidamo ka tirsan Hawlgalka ATMIS waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubland .