Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Juventus oo Bareejo Gashay iyo Kooxaha Napoli,Torino iyo Sassuolo oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Juventus oo Bareejo Gashay iyo Kooxaha Napoli,Torino iyo  Sassuolo oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Udinese ayaa garoonkeeda Stadio Friuli barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Juventus oo hogaamineyso horyaalka talyaaniga ee Serie A-da.

Kooxda Juventus ayaa iska qasaarisay fursad ay ku sii kordhisan laheyd dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka,maadaama kooxda Roma ay xalay bareejo la gashay kooxda Empoli.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Juventus ayaa horyaalka talyaaniga ku hogaamineyso 50-dhibcood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Chievo Verona ayaa waxaa garoonkeeda Satdio Bentegodi 1-2 uga badiyay kooxda Napoli.

Ciyaaryahan Bostjan Cesar ayaa qeybtii hore ee ciyaarta si qalad ah gool ugu dhaliyay kooxdiisa Chievo Verona.

Ciyaaryahan Miguel Britos oo daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ayaa gool barbardhac ah ka dhaliyay kooxdiisa Napoli,waxana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-1.

Ciyaaryahan Manolo Gabbiadini ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta goolka labaad ee guusha u dhaliyay kooxda Napoli.

Kooxda Napoli ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 39-dhibcood,halka kooxda Chievo Verona ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Torino ayaa garoonkeeda Olimpico di Torino 5-1 uga badisay kooxda Sampdoria.

Ciyaaryahan Fabio Quagliarella ayaa sedax kamid ah goolasha u dhaliyay kooxda Torino,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Amauri iyo Bruno Peres.

Kooxda Sampdoria ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 34-dhibcood,halka kooxda Torino ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Sassuolo ayaa garoonkeeda Stadio Città del Tricolore 3-1 uga badisay kooxda Inter Milan.

Kooxda Sassuolo ayaa waxaa sedaxda gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Simone Zaza, Nicola Sansone iyo Domenico Berardi.
Berardi

cele

celeee

icardi

Icardii

sad

Ciyaaryahan Nicola Sansone oo mid ka mid ah goolasha dhaliyay ayaa dhamaadkii ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Sassuolo.

Ciyaaryahan Isaac Donkor ayaa sidoo kale dhamaadkii ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Inter Milan.

Kooxda Sassuolo ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Inter Milan ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Previous Post

Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo lagu aasay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Xuseen Kadare

Next Post
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Xuseen Kadare

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Xuseen Kadare

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In