Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu u furmo kalfadhigii Seddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo uu ka qeyb geli doono Madaxweynaha Dowladda Faderaalaka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jeedin doono qudbadiisii Dastuuriga ahayd labada Gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah Soomaaliya.
Furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb geli doono Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , waxa uuna kulanka Maanta ahaan doonaa Furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.