Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Mareykanka oo shuruud ku xiraya wadahadalada Kuuriyada Waqooyi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Mareykanka oo shuruud ku xiraya wadahadalada Kuuriyada Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mike Pence Madaxwayne ku xigeenka Mareykanka  ayaa sheegay in Go’aanka Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in hogaamiyahooda uu la kulmo madaxwayne Donald Trump ay tahay mid muujinaysa in takoorka iyo cadaadiska uu Mareykanka ku hayo uu shaqaynayay.

Mr Pence ayaa xusay in Mareykanka ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu hayo Pyongyang ilaa laga hirgalinayo hadafka ah in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Sidoo kale Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin waqti iyo goob cayiman oo loo asteeyay inay ka dhacaan wadahadalada la sheegay inay dhexmari doonaan madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka, Sarah Sanders, ayaa sidoo kale ku gacan seyrtay in madaxweyne Trump uu aqbalay casuumaada ay fidisay xukuumadda Pyongyang shuruud la’aan.

Mar sii horeysay Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Heshiis lala gaaro Kuuriya Wuqooyi uu yahay mid muhim ah. Madaxwaynaha ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in uu noqon doono heshiis u wanaagsan caalamka.

Balse madaxwayne Trump ayaa sheegay in cunaqabataynta saaran Kuuriya Waqooyi ay sii socon doonto.

Hogaamiyayaasha kala duwan ee caalamka ayaa iyagu soo dhaweeyay wadaxaajood dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Previous Post

Kalfadhigii Seddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Furmayo.

Next Post

Uhuura Keyatta iyo Railla Odinga oo gaaray heshiis horudhac ah

Next Post
Uhuura Keyatta iyo Railla Odinga oo gaaray heshiis horudhac ah

Uhuura Keyatta iyo Railla Odinga oo gaaray heshiis horudhac ah

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In