Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kalluumeysatada Degmada Hobyo oo dooman casri ah loogu deeqay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Kalluumeysatada Degmada Hobyo oo dooman casri ah loogu deeqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Qaramada Midoobay u xilsaaran Cunnada iyo Beeraha (FAO), ayaa laba doon kalluumeysi oo casri ah waxa ay ugu deeqday qaar kamid ah kalluumeysatada degmada Hobyo ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Mashruuca ka hortagga burcadbadeednimada ee bulshooyinka xeebaha (CCAP) ayaa fuliyay tababar shan maalin qaatay oo ay u sameeyeen kalluumeysatada Hobyo ka hor inta aan doomaha lagu wareejin, kaasoo ku bareen bed-qabka kalluumeystada xilliyada ay kalluumeysanayaan iyo wadidda doomaha casriga ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026

Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug iyo maamulka degmada Hobyo oo ka mahadceliyay tababarka iyo deeqda doomaha ah ee qaybta ka qaadanaya shaqo abuurka, kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta burcad-badeednimada, ayaa dalbaday in la sii wado kaalmeynta iyo tababarrada kalluumeystada iyo Iskaashatooyinka, si loogu guuleysto hadafyada waa weyn ee la hiigsanayo.

Bulshada degmada Hobyo oo sidoo kale farxad ku soo dhaweeyay kaalmada doomaha ah iyo tababarkii ka horreeyay, ayaa codsaday in la joogteeyo dhirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan kheyraadka badda kujira.

Horay ayaa FAO waxay tabarrucaad sidaan oo kale ah iyo tababarro ugu sameysay kalluumeysatada degmada Hobyo iyo deegaanno kale, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen qoysas badan oo Soomaaliyeed oo nololshooda iyo nolosha deegaannadooda wax badan ka bedelay.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Dalka India oo warbixin ku saabsan COVID-19 u jeedisay Soomaalida India ku nool

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kaabiga Kuhayo Degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo burburiyay saldhigyo maleeshiya Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose “Dhageyso”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) iyo Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

March 16, 2026
0

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa la filayaa in goordhow lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In