Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinet. Ayaa sheegay in Dowladdiisa ay u diyaarsan tahay ka hortaga kooxaha Al shabaab iyo ISIS kuwaas oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana ay qorshaynayaan weeraro ay ku soo qaadaan gudaha Kenya, qiyaaastii 200 oo ah xagjiriinta Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa u kala qeysamay qeybo kala duwan oo bahwadaag la kala ah urur weynaha Al-qaacida iyo ururkaISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayuu yiri Madaxa booloska dalka Kenya Joseph Boinet,

Waxaana uu sheegay in kooxda ka soo go’aday ururka Al-Shabaab ay ku sugan tahay  xuduudka Soomaaliya ay Kenya la wadaagto, gaar ahaan dhanka waqooyi kuwaas oo ugu yaraan labo weerar ka fuliyey labaddii toddobaad ee la soo dhaafay,

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Halkaasna ku dilay askari ka tirsaanaa ciidanka Kenya iyo labo qof oo rayid ah oo ka yimid degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinett.

Madaxa booliska dalka Kenya Joseph Boinet ayaa dhinaca kale sheegay in kala jabka ku yimid ururka Al-Shabaab ay halis dheeraad ah ku tahay caqabadaha dhanka amniga ka haysta Ciidanka Kenya,

Hase yeeshe waxa uu isku qanicyay in Ciidanka Kenya ay ka hor tagi doonaan weerar kastaa oo kooxahaa ka yimaada.

Joseph Boinett ayaa sheegay in ragga Al-Shabaab ka soo goostey ee taageera ururka ISIS uu ka mid yahay Mohamed Kuno oo ku magac-dheer (Gacmo-Dheere) oo lagu eedeeyey in uu ku luglahaa weerarkii ay rag hubeysanaa 2-dii bishii April ee sanadkan ku soo qaadeen jaamacada Gaarisa, ee gobolka waqooyi-bari Kenya, iyagoo halkaasi ku dilay 148 qof.

Kooxaha Argagixisada ah ee Al shabaab iyo al qaaida ayaa dhawr mar weeraro ka gaystay gudaha Kenya, kuwaas oo ay ku dileen dad u badan rayid meela kala duwan ku sugnaa.

 

Previous Post

Qarax ka dhashay booyad shidaal dalka Nigeria oo qasaarihiisu sii kordhaayo

Next Post

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In