Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qarax ka dhashay booyad shidaal dalka Nigeria oo qasaarihiisu sii kordhaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyooday dab ka dhashay qarax booyad shidaal oo ka dhacay dalka Nigeria, sida ay sheegeen suxufiiyiin goobta tagay.

Xafiiska madaxweyne Dalkaasi Muhammadu Buhari ayaa sheegay in “Tobaneeyo qof” oo ciiddooda kirismiska isku diyaarinaya ay geeriyoodeen, inkasta oo uusan shaacin tiro cayiman.

Related posts

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026

Dabka ayaa khamiistii ka kacay xarun shidaal oo ku taalla magaalada Nnewi ee gobolka Anambra, kadib markii baabuur booyad shidaal ah uu qarxay waxyar un kadib markii shidaalka laga buuxiyey.

Wararka ayaa sheegaya in dabkii halkaas ka dhashay uu nolosha ku gubay dad badan oo saf ugu jiray inay qaataan gaas ay cunto ku karsadaan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qaadayisbitaalka Nnamdi Azikiwe University Teaching ee magaalada Nnewi.

Dabka ayaa gubanayey muddo saacado ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya

Next Post
Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya

Kenya oo sheegtay Suurtagalnimada Weeraro ISIS ay ku soo qaado Kenya

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
0

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.  ...

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In