Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kenya iyo dowladaha kale ee bariga Afrika ayaa bilaabi doona in ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya sanadka 2018 maadaama xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, sidaa waxaa xoghayaha arimaha dibadda  dalka Mareykanka u sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta .

War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ayaa waxaa ay horumar balaaran ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, isla markaana loo baahan yahay in si tartiib tartiib ah ay loo bilaabo soo afjarida howlgalka AMISOM lana xoojiyo dhismaha hey’adaha dowliga ah gaar ahaan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa uu ka kooban yahay wadamada Burundi, Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo kuwo kale oo gudaha dalka kula dagaalamaya kooxda Al-shabaab kuwaas oo doonaya in ay wadanka ku qabsadaan qori aaradii ayagoo magac diin isticmaalaya isla markaana baabi’inaya dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha dalka Kenya iyo wasiirada arimaha dalalka bariga Afrika isagoo kala hadlay xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta koofureed.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay kamid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya lagu wado in ay ka qabsoonto bisha soo socota ee October.

 

Mudane C/salaam Hadliye Cumar  wasiirka arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in John Kerry uu madaxda Soomaalida ku booriyay in ay waqtigii loo qabtay doorashada aysan ka dib dhicin.

 

Previous Post

John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin-SAWIRRO

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In