Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khawaarij ka badan 100 oo lagu laayay magaalada Galcad

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Howlgal lagu dilay xubno katirsan Argagixisada oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga Shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Khawaarijta.

Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Mujaahidiinta Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.

 

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobihii shaqaaqooyinka ka dheceen

Next Post

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga oo ka qeyb-galay bandhig dhaqameed

Next Post
Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga oo ka qeyb-galay bandhig dhaqameed

Maamulka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sacuudiga oo ka qeyb-galay bandhig dhaqameed

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In