Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khawaarijta Al-shabaab oo khaarijiyay boqolaal ka tirsan Daacish oo maxaabiis ahaan ugu xirnaa (Warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 13, 2023
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga magaalada Berlin

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga magaalada Berlin

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025

Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay faah-faahinta malesshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo muddo sanado ah u xirnaa kooxda Khawaarijta arxanka-daran ee Al-shabaab oo inta ay Xabsiyada kala baxeen meelo kala duwan ku khaarijiyeen.

Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka dhigan tiradii ugu badneyd  ee ka tirsanaa Daacish oo Al-shabaab muddo Shan ah xabsiyo kala duwan ugu xirnaa ayay Khawaarijtu Al-shabaab khaarijiyeen labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyagoo tallaabadaas uga dan leh in ay ugu aargudaan maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaaab oo lagu baabi’iyay  dagaallo iyo qaraxyo ay Daacish ka geysteen buuraha Golis ee gobolka Bari.

Maleeshiyada Daacish, ee Al-shabaab ay khaarijiyeen waxaa lagala soo baxay xabsiyo ay dadka ku ciqaabaan Khawaarijta oo ku kala yaala  Sakow, Jilib iyo Kuunya-barow oo ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose, iyadoo si bareer ah loogu laayay duleedyada saddexdaas degmo.

Wararka ay warbaahinta Qaranka ka heshay gudaha Khawaarijta Al-shabaab waxay xaqiijiyeen ka hor tallaabadan khaarijinta ah inta aysan qaadin waxay horjoogayaasha Khawaarijtu isugu yeereen xaasaska  ay qabeen maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Daacish ee ay dileen, iyagoo u sheegay in nimankooda Diin ahaan ku xirmin oo laga fasaqayo, waanna ficil ay kooxdu caan ku tahay.

Goobaha ay maleeshiyada Al-shabaab ugu yeerteen xaasaska maleeshiyaadka Daacish ee ay ugu dambeynna dileen waxaa ka I’d ah deegaanka Buulo-fullaay ee gobolka Baay.

Amarka lagu khaarijiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish ee in muddo ah maxaabiis ahaan ugu jiray gacanta Al-shabaab, waxaa bixiyay horjoogaha dhagarta badan ee Khawaarijta Al-shabaab awoodda ku dhex leh ee Mahad Karataay,iyadoo fulinta howshaasina ay qabteen labo horjooge oo aad ugu dhow, kuwaas oo kala ah Liibaan Cali Cabdi oo magaciisu afgarashada uu yahay ” Saacid”, iyo Sahal Baabul Qowf oo labadaba ka soo wada jeeda deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Dad deegaanka ah oo ku sugan goobaha ay maleeshiyada Khawaarijta ku laayeen boqolaalka maleeshiyo ee ka tirsan kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed in ay arkeen Al-shabaab oo duleedka degmooyinka Jilib,Kuunya-barow iyo Sakow xabaalo-wadareedyo ku aasaya meydadka maleeshiyaadka Daacish ee sida tira-beelka ah ay u laayeen.

Khilaafka iyo is-ugaarsiga ka dhex jira kooxaha Khawaarijta  iyo argagixisada wada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo soo jiidamayay sanado badan ayaa sii xoogeystay shantii Sano ee la soo dhaafay, wallow la wada ogyahay wax xaq ah oo mideynayay ama ku heshiiyeen aanu jirin, marka laga reebo in ay banneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Xiisaddu waxay faraha ka baxday oo ka sii  dartay labadii bilood ee ugu dambeysay markaas oo ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish weeraro isugu jira dagaal toos ah  iyo is qarxin ah ay ku qaadeen xarumo Khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan Buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay Daacish ku laayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sacuudiga

Next Post

Somalia’s Finance Minister meets SFD’s General Manager to discuss debt restructuring

Next Post
Somalia’s Finance Minister meets SFD’s General Manager to discuss debt restructuring

Somalia’s Finance Minister meets SFD’s General Manager to discuss debt restructuring

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga magaalada Berlin

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga magaalada Berlin

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo Nairobi uga qeybgaleen Kulan looga hadlayay arrimaha Barakacayaasha

May 15, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay daahfurka kulan la xiriiray uruurinta, falanqaynta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In