Bishaan waxay aheyd bil si weyn loo gumaaday Kooxda argagaxisada ah ee Khawaarijta, gaar ahaan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa Deegaanada iyo Saaxiibada Caalamka oo is garabsanaya ayaa duulaamo waaweyn ku qaaday goobo ay iska soo abaabulayeen, iyadoo Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaais oo halis weyn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay, waxaana lala dilay Maleeshiyaad uu isagu hogaaminayay oo tiradoodu gaarayso 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, weerarkaasina waxa uu dhacay 15-kii bishaan.
Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe, iyadoo ay Ciidamadu weerar ku qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka.
Duulamada joogtada ah ee lagu haayo Kooxda Khawaarijta ah ayaa ka dhigeysaa inay waayaan meel ay ku gambadaan, waxaa kaloo gabaabsi ka ah cuntada, wel welkuna waa u sii dheer yahay, taasina waxaa ugu wacan isu socodkooda oo la xayiray iyo weerada joogtada ah ee lagu hayo, waxayna ka maree intee ka baxnaa meel Alla, waxay kaloo maree in Doomihii ay qaadistood diidaan.
Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegey inay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn Diinta Islaamka oo aan caqiido ku saleysneyn, wuxuuna tilmaamay in Soomaalida laga soo gali karo laba Irdood oo kala ah Qabiilka iyo Diinta, sidaasi awgeed ayay Kooxda Khawaarijtu u soo huwaday Buste ay ku sheegeen inay wadaan Diin, isagoo tilmaamay inay maanta ay wada garteen Ummada Soomaaliyeed inay yihiin Burcad meel wada fadhida, wuxuuna farta ku fiiqay in lagu kacay, loona istaagay iska dhicintooda.
Madaxweynaha waxa uu ka sheekeeyay siyaasaddii ku aadaneyd Kooxda Shabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay ay ku saleysneyd laba qodob, kuwaasi oo kala ah Midka 1-aad. Yaysan ku sii fidin dalalka Deriska la ah Soomaaliya iyo dalal kaleba oo meeshooda ha lagu haayo, qodobka 2-aad ee uu timaamay ayaa ahaa, Shabaab awoodooda ha la dhimo, ha lagu qasbo inay gambadaan, lana bar-tilmaameydsado horjoogayaashooda, Warshdaha ay ku sameeyaan Qaraxyada iyo Goobahooda Ciidan.
Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “ labadaasi arrimood waxay ahaayeen kuwo ku aadan hal dhinac oo ah Militari ahaan, annagu waa fekernay, doodo iyo falanqeyn oo Dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku kala qabanay kadib, waxaan isla garanay siyaasad lagu wajihi karo Kooxda Khawaarijta ah, taasoo ku taagan dagaal seddex waji leh ama tiir oo kala ah Midka militariga, kan Fikirka ama Caqiidada iyo kan 3-aad oo ah in la gala diriro dhanka Dhaqaalaha, arrimahaasi ayaa haatan ku wadnaa, waxa uuna ku dhow yahay in laga mira dhaliyo”.
Madaxweynaha JFS oo hadaladaasi qiimaha leh ka jeediyay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen madaxeynahooda Shacabka ku nool Gobolka Minisota ayaa yiri:- “Waxa aan kala qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab”.
Ugu dambeyntii, madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo jabiyay Khawaarijta, isla markaana uu gabagabo yahay qorshaha looga takhalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinteena suuban, wuxuuna ku tilmaamay Mudane Xasan Shiikh Xaaladda Kooxda Khawaarijta ah “Kalluun ama Malaay Biyihii ka gureen,”.
Isku soo wada xooriyoo 5 sano ka dib, Soomaalida iyo Dunida hadda waxa ay arkaysaa Hoggaan Soomaaliyeed oo leh aragti hoggaamineed ee cad kuna dhisan aqoon iyo xog-ogaalnimo.
SONNA Editorial