Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa kadib markii uu dagaal toos ah dhex maray laba garab oo Khawaarijta ka tirsan.
Horjooge C/kariin Yuusuf Axmed, oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey usoo noqday horjoogihii Maleeshiyada Khawaarijta ee degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Moqo Kori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa xalay abaare 9:00kii fiidnimo lagu qaarijiyey deegaanka Buq Aqable oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Qaarijinta Horjoogahan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uusoo kala dhex galay isaga iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda kaasi oo ku aadanaa in lasii daayo Odayaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan taasi oo Horjooge Ina Qoor Madoobe ay la qabeen Maleeshiyaad gaaraya 50meeyo oo ku heyb ah.
Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka Khawaarijta dhexdooda ee Buq Aqable ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyey in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la qaarijiyey isaga oo toogtay ilaa Afar Maleeshiyo ah oo is hortaagay in uu la baxo Odayaasha oo isla gacanta Khawaarijta ku jiray taasi oo uu kala kulmay ka biyo diidid xoog leh.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu qaarijiyey Afar kale oo ka mid ah Maleeshiyaadka ku heybta ahaa Horjoogaha la khaarijiyey sidoo kale iyana dhankooda laga dilay Afar ruux taasi oo qasaaraha guud ee Khawaarijta Xalay ay iska dileen ka dhigeysa 8 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Horjooge sare oo kooxda ka tirsan.
Weli deegaanka Buq Aqable waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee uu hogaaminayey Horjoogihii la qaarijiyey ee C/kariin Yuusuf Axmedย (Ina Qoor Madoobe) kuwaasi oo weli isku aruursanaya deegaanka ay Al-Shabaab dhexdooda ku dagaalameen ee Buq Aqable ayadoo Horjoogayaashii baxshay amarka qaarijinta ayaguna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada kuwaasi oo heysta maleeshiyaad u daacad ah.
Dagaalkan ayaanan aheyn dagaalkii ugu horeeyey ee dhex mara Khawaarijta dhexdooda oo lagu qaarijiyo Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, todobaadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Khawaarijta ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayadoo dagaalkaasina ay khawaarijtu isaga dileen Toboneeyo ruux.
Geesta kalena Khilaafkan ayaa kusoo biiray khilaaf aad u weyn oo waayahan kooxda ka dhex taagnaa ayadoo khilaafyadaasi dhammaantood ay sabab u yihiin jabka kooxda Khawaarijta ka gaaray howlgallada bilihii ugu dambeeyey ka socday gobollada Dalka kuwaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu geystay jab xooggan.