Sunday, November 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafacaย  ee ay diinta suuban siisay.waxayna goโ€™aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab laโ€™aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.

Waxaa hubka qaaday duqow iyo daโ€™yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

November 15, 2026
Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026

Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadkaย  jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyoย  lana dagaalamoย  dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baaddaย  ah, isagoo yiri โ€œ cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma lehย  in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qarisoย  iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,ย  dadka lacagta dhiibayowย  in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!โ€

Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, daโ€™yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka uย  suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay inย  lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.

Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, unaย  soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,ย  Waxbarasho laโ€™aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa

Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri โ€œquluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan eโ€ย  Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,ย  iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar biniโ€™aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.

Ugu danbeyntiiย  waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.

Qalinka Fardows Daahir

Previous Post

Madaxda IMF oo sheegay in koboca dhaqaalaha dunida uu ka adkaan doono 2022-kii

Next Post

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Kitaabo Qurโ€™aanka kariimka ah ku wareejiyay M/Koofur galbeed iyo Hirshabeelle

Next Post
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Kitaabo Qurโ€™aanka kariimka ah ku wareejiyay M/Koofur galbeed iyo Hirshabeelle

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo Kitaabo Qurโ€™aanka kariimka ah ku wareejiyay M/Koofur galbeed iyo Hirshabeelle

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

November 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo...

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne) ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan...

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In