Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khayre: “Qalab Caafimaad Oo Dibdda Aan Ka Dalbannay Ayaa Dhawaan Dalka Soo Gaaraya, Waxaana Loo Qaybinayaa Dowlad Gobaleedyada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Khayre: “Qalab Caafimaad Oo Dibdda Aan Ka Dalbannay Ayaa Dhawaan Dalka Soo Gaaraya, Waxaana Loo Qaybinayaa Dowlad Gobaleedyada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dalkeenna ku faafaya, ayaa caddeeyay in madaxda dowladda, dowlad gobaleedyada, Culimada, dhakhatiirta, haweenka, dhallinyarada, hoggaanka bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay wadajir ay uga wada shaqeynayaan sidii ummad ahaan looga guuleysan lahaa Cudurkan.

“Dhammaan Hay’addaha Caalamka oo aan la xariirnay waxaan ku war gelinay in hawl kasta oo kale dhinac la dhigo, awooddana, laysugu wada geeyo la tacaalidda masiibadan, waana ku boggaadinayaa inay dhammaantood nala qaateen”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xaqiijiyay in qalab caafimaad oo Dowladdu dibdda ka dalbatay uu dhawaan dalka soo gaari doono, loona qaybinayo dowlad gobaleedyada oo dhan.

Dowladda ayaa Cisbitaalka Martini oo ah Cisbitaalkii ugu horeeyey ee bukaannda COVID-19 lagu daweeyo waxay ku diyaarisay qalabkii loo baahnaa in lagu daaweeyo bukaamada uu xanuunkani haleelay, ayaa gebogebo marsiinaysa diyaarinta cisbitaalkii labaad oo loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19 lagu daweeyo waxayna qorsheyneysaa hirgelinta Isbitaalo kale oo dheeraad ah.

Dowladda ayaa sidoo kale howl gelisay Xarunta Ambalaasyada oo si joogta ah u shaqeysa. Waxaa sidoo kale la diyaariyay dadkii iyo qaabkii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda COVID-19.

Xarunta xariirka COVID-19 oo halbowle u ah helista xogta faraysa bahda caafimaadka samata bixinta bukaannada xaaladdodu daran tahay, talana u siiyaan kuwa talada u baahan, ayaa celcelis ahaan maalintii waxaa soo waca 5,000 muwaadin oo u baahan adeeg iyo talo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ganacsatada mar kale kula dardaarmay inaan sare loo qaadin beeca cunndada ayaa caddeeyay in dowladda guddi u saartay dabagalka iyo la socoshada qiimaha maciishadda, si loo xaqiijiyo in canshuur dhaafka iyo canshuur dhimista ay dowladdu sameysay looga faa’iiday shacabka Soomaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ugu dambeyn ku baaqay in wadajir loo qaato talooyinka caafimaad, lana caawiyo dadka nugul ayaa Allah ka baryay in fadliga cibaadada bisha barakeysan ee Ramadaan inuu dadkeenna caafimaad siiyo, kana badbaadiyo cudrkaan.

Previous Post

Akhriso Jadwalka wareegga 1aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Next Post
Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In