Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Al shabaab

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Al shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Argagaxisada Al shabaab, taasoo sababtay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in Horjooge Axmed Diiriye oo ugu sareeya Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Argagaxisada u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Related posts

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026

Horjooge Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Aragagaxisada Al shabaab, waana shaqsiyada ay ka goโ€™do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye oo ah Horjoogaha kooxda,Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye ย Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka Horjoogayaasha Al shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab waxaa soo kala dhex galay kala shaki ah dhexdooda ah.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari laโ€™yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo fahmay Ujeedada guracan ee Nabad diidka Al shabaab ayaa sidoo kale walwal xoogan ku abuuray horjoogayaasha Argagaxisada, iyagoo ka walwalaya halkii ku noolaan lahaayeen maadaama shacabka ay u soo gudbinayaan Ciidamada Xoogga dalka macluumaad ku saabsan qorshaha ay maleegayaan iyo meelaha ay doonayaan inay u baxsadaan Al shabaab oo gabalkooda uu sii dhacayo.

Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Horjoogayaasha Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada guracan ee Nabad diidka oo sii daciifeysa, waxaana Horjooge Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye.

Previous Post

Trump oo ka hadlaya Maanta goโ€™aankiisa ku Aadan Qudus

Next Post

Maamulka G/Banaadir oo billaabay qorshe lagu maareeynayo maaliyadda

Next Post
โ€œAKHIRSOโ€ Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho  ku saabsan soo saaray

Maamulka G/Banaadir oo billaabay qorshe lagu maareeynayo maaliyadda

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In