Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Koonfur Afrika oo laga dalbaday in ay xirto madaxweynaha Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah oo loo soo gaabiyo ICC ayaa dowlada Koonfur Afrika waxaa ay ka codsatay in ay xirto madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir kaas oo hadda key sugan dalka si uu ugu qeybgalo shir madaxeedka midowga Afrika.

Mr Bashir ayaa waxaa loo heysta dambiyo dagaaal oo sida la sheegay ka dhacay gobolka Daarfuur.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

ICC ayaa bayaan ay soo saartay waxaa ay koonfur Afrika kaga dalbatay in ay qabato Al-Bashiir maadaama ay xubin ka tahay wadamada saxiixay maxkamadda.

Laakiin halkii ay ka xiri laheyd koonfur Afrika, waxaa Johannesburg key soo dhaweeyay saraakiil sare oo dalkaasi ka tirsan sida ay soo warisay warbaahinta dalka.

Wakaalada wararka ee dalka Suudaan ee Suna waxaa ay sheegtay in madaxweynaha uu la socday wasiirka arimaha dibadda iyo saraakiil kale.

Waxaa jirey xiisad u dhaxeysa maxkamadda ICC iyo midowga Afrika taas oo salka ku heysa markii madax ka tirsan qaaradda ay soo eedeysay maxkamadda,ayagoo ku eedeeyay in ay cadaalad daro ku sameyso Afrika.

Madowga Afrika ayaa kal hore waxaa uu ICC key booriyay in ay joojiso dacwadaha ay key soo oogto hogaamiyeyaasha Afrika.

Madaxweynaha dalka Suudaan ayaa gaashaanka u daruurey eedeymaha loo soo jeediyay isagoo hadda wadamo badan socdaal ku maray oo ay kamid yihiin Afrika iyo bariga dhexe.

Ma lahan ICC ciidan Boliis ah waxaa ay kali ah key tiirsan tahay ciidamada wadamada xubnaha ka ah kuwaas ayaana fuliya waajibaadka ay maxkamadu saartay.

Shir madaxeedka hogaamiyiyaasha Afrika oo maanta ka furmay magaalada Johannesburg ayaa waxaa shir gudoominaya madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo haya xilka meeradada ah ee midowga Afrika.

Ajendiyaasha shirka ayaa waxaa ay kamid ah awoodsiinta haweenka Afrika,arimaha ammaanka sida la dagaalanka Boko Xaraamta Nigeria iyo kooxda Al-shabaab oo dalalka geeska Afrika dhibaato amni daro oo aad u daran ku heysa.

Sidoo kale waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka Burundi, rabshadaha jinsi naceybka ah oo ka socda dalka Koonfur Afrika iyo xasaradaha ka aloosan dalka curdunka ah ee Suudaanta koonfureed.

 

Previous Post

Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In