Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Koonfur Afrika : Sidaan ugu lisnay nooguma hambeyn!!.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 28, 2015
in Wararka Raadiyahaa
0
Koonfur Afrika : Sidaan ugu lisnay nooguma hambeyn!!.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururkii Midiwga Afrika O.A.U oo lagu aasaasey magaalada Adis-Ababa 25 may 1963, Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxey kamid aheyd , Aasaasayaashii dhidibada u taagey ururkaan oo ahaa wadamadii koobnaa ee Afrika ee Xilligaan madaxbanaanida heystay.

Aasaasiddii Urukan kadib , Dawladihii Soomaalia Soo marey waxey Door Shariif ah ka Cayaareen Sidii dalalka Afrika ee Gumeysiga ku hoos jirey ay u Hanan lahaayeen Madaxbanaanidooda, waxeyna fagaarayaasha Caalamka si dhiiranaan leh uga Cadeeyeen Xaqa Aaya ka talinta ay dalalka afrika ee la gumeysto u leeyihiin in ay helaan Madax-banaanidooda.
1974tii markii Jamhuuriyadda Soomaalia Qabatey Kursiga madaxtinimada Afrika, waxaa dar dar galey Halganadii Gobanimadoonka ahaa ee Qaaradda ka socdey, waxeyna Soomaalia dalalkii Afrika ee la Gumeysanayey la dhinanac istaagtey Taageero Siyaasadeed , mid Dhaqaale iyo mid Milatari, waxaana Jabhadaha Dalalkaas u Dhaqdhaqaaqayey Qaarkood Tababarro Ciidan lagu Siin jirey Gudaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Sanadkaas Soomaaliya Majaraha u heysey Hogaanka Afrika iyo Sanadkii ku Xigey waxey ahaayeen Labada Sano ee tiradii ugu Badney ee dalal Afrikaan ah ay ka hoos baxeen Heeryadii Gumeysiga, islamarkaana ay Noqdeen dalal ku soo biira walaalahoodii kale ee Afrikaanka ee Xornimada heystey.

Dalalkii Qaaradda Afrika ka Tirsanaa ee soo marey Gumeysiga kiisa ugu arxanka daran waxaa ka mid ahaa dalka Koonfur Afrika, oo Faquuqii Midab takoorka ee Caddaankii tirada yaraa ku hayey Madowgii dalka u badnaa , Taasi oo dunida inteeda badan ay hiil iyo hoo la garab istaageen dadkii Midab takoorka Isir Faquuqa lagu hayey Soomaalia waxey si aan leexleexad u garab istaagtey dadkaas Xaqdarada Gumeysi lagu hayey, waxaana Soomaali la dhinac istaagtey Taageeradii ay u baahneey iyo Xilligii ay u baahnaayeen,waxaana Xusid Mudan in Ciidamo ka tirsan Jabhaddii A.N.C lagu tababari jirey Gudaha Somaliya.Ciidamo Somaali ahna loo diray Gudaha Koonfur Afrika

1994tii koonfur afrika waxey heshey madaxbaanideed, Waxeyna ku soo aadey Xilli ay Somalia bur bur ku jirto,oo Dad badan oo Soomaaliya ay ku kala firdhadeen Daafaha Caalamka, dadkii Soomaliyeed ee Nolol raadiska meelihii ay Nolol ahaan miciinka bideen waxaa ka mid ahaa dalka koonfur Africa.

Bulshada Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ay yihiin dad hal abuur leh, waxey dalkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo firfircoon , Durbadiiba Dulmi-diidkii koonfur Afrikaanka ee Shaley Hiilka u baahnaa wuxuu Dulmi isir naceyb ah ku bilaabey Dadkii Afrikaanka ahaa ee Maganta soo bidey, oo Soomaalidu ugu horeyso, waxaana dalkaasi muddo dhowr sano ah si Arxan-la`aan ah loogu Xasuuqay Muwaadiniin Soomaaliyeed, oo waxey galabsadeen aysan jirin,tan kalese Quluubta Dadka Soomaaliyeed ma ka tirmi doontaa Dhacdadii Wiikii Soomaaliyeed Ee isagoo la qaawiyey dhagaxa lagu diley , falkaasina laga daawadey Caalamka oo Dhan.

Hadaba arinka isweydiinta mudani wuxuu yahay, Sabata Dawladda koonfur Afrika ay Tallaabo Muuqata uga Qaadi la`dahay Dhibaateynta joogtada ee Muwaadiniinta dalkaasi ku hayaan dadka aan dalkaasi u Dhalan oo ay Soomaalidu ka midka tahey, marka laga reebo hadallo Afka baarkii ah oo mararka qaar jeediyaan Madaxda dalkaas,mar haddii Dhibaatada lagu hayo Muwaadiniinteenna dalkaasi jooga aysan dhamaad lahey sow Arintu uma muuqato. Koonfur Afrikaay Sidaan kuugu lisey iiguma Hanbeyn.

W/D: Abuukar Xaaji Goobdoon

Xigasho: Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)

 

 

Previous Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.04.2015

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Garoowe midnimada Qaranka ayaan uga tashaneynaa”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Garoowe midnimada Qaranka ayaan uga tashaneynaa”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In