Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Arsenal,Liverpool,Hull City iyo Queens Park Rangers oo Caawo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Arsenal,Liverpool,Hull City iyo Queens Park Rangers oo Caawo Guulo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Arsenal ayaa caawo garoonkeeda Emirates Stadium 2-1 uga badisay kooxda Leicester City.

Milkiilaha kooxda Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha ayaa inta aysan ciyaarta bilaaban gacan qaaday tababare Nigel Pearson oo todobaadkan mar la shaaciyay in laga ceyriyay shaqada kooxda.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Nigel

Kooxda Arsenal ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Laurent Koscielny.

Kos goolKosh gool Koshin gool Koshin gooolKosh cele

Ciyaaryahan Theo Walcott ayaa daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Arsenal,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Wal gool Walc goolWal cele Wal celee Wal celeeee Wal celeeeee

Ciyaaryahan Andrej Kramaric ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Leicester City.

Kara gool

Kooxda Arsenal ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 45-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ugu hooseyso horyaalka ingiriiska.

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbardhac 3-2 uga badisay kooxda Tottenham Hotspur.

Kooxda Liverpool ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Lazar Markovic.

Lazar gool Lazar gooolLazar cele Lazar celeee

Ciyaaryahan Harry Kane ayaa daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta gool bareejo ah u dhaliyay kooxda Tottenham,sidasi ayaana lagu kala nasay qeybtii hore ee ciyaarta.

Hary golHarry gol Hary cele Hary celee

Ciyaaryahan Steven Gerrard ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool labaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Liverpool.

Pen PenaaGer pen

Ciyaaryahan Steven Gerrard ayaa goolkiisii 183-aad u dhaliyay kooxda Liverpool,waxana uu noqday ciyaaryahanka shanaad ee ugu gool dhalinta badan taariikhda kooxda Liverpool.

Ciyaaryahan Moussa Dembele ayaa daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta gool labaad oo bareejo ah u dhaliyay kooxda Tottenham.

Ciyaaryahan Mario Balotelli oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad ee guusha u dhaliyay kooxda Liverpool.

Mario goolMario goolMario celeeMario celeRogers cele

Ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa 170-maalmood ka dib waxa uu goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League-ga u dhaliyay kooxda Liverppol.

Kooxda Tottenham ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 43-dhibcood,halka kooxda Liverpool ay horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,iyadoo leh 42-dhibcood.

Kooxda Sunderland ayaa waxaa garoonkeeda Stadium Of Light 0-2 uga badiyay kooxda Queens Park Rangers.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa goolka la hor martay,waxaan daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Leroy Fer.

lee goolle cele Lee celee

Ciyaaryahan Bobby Zamora ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Boby gool Boby goool Boby goooolBoby celecelee

Kooxda Queens Park Rangers ayaa caawo gaartay guusheedii ugu horeysay oo ay ku soo gaarto meel ka baxsan garoonkeeda ilaa markii uu bilowday horyaalka ingiriiska.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa ka soo baxday sedaxda kooxood ee ugu hooseysa horyaalka ingiriiska,waxana ay ku jirtaa kaalinta 17-aad,iyadoo leh 22-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Kooxda Hull City ayaa garoonkeeda KC Stadium 2-0 uga badisay kooxda Aston Villa.

Kooxda Hull City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Nikica Jelavic,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Jela cele Jela celee Jelav cele Jelavi cele

Ciyaaryahan Dame N’Doye ayaa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Hull City.

Dame cele Dame celee

Taageerayaasha kooxda Aston Villa waxa ay soo bandhigeen boor ay ku dalanayaan in shaqada laga ceyriyo tababare Paul Lambert.

Lam out

Kooxda Hull City ayaa ka soo baxday sedaxda kooxood ee ugu hooseeyso horyaalka ingiriiska,waxana ay ku jirtaa kaalinta 15-aad,iyadoo leh 23-dhibcood,halka kooxda Aston Vill ay ka mid noqotay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO-Madaxda Qaranka oo ka qayb gashay Casho Sharaf Ra.iisul wasaaruhu u sameeyay Baarlamaanka {SAWIRRO}

Next Post
DAAWO-Madaxda Qaranka oo ka qayb gashay Casho Sharaf Ra.iisul wasaaruhu u sameeyay Baarlamaanka  {SAWIRRO}

DAAWO-Madaxda Qaranka oo ka qayb gashay Casho Sharaf Ra.iisul wasaaruhu u sameeyay Baarlamaanka {SAWIRRO}

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga...

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026
0

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud,...

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In