Kulan Xiisa Badan oo ka tirsan Horyaalka Dalkeena Somalia ayaa Waxaa Shalay isku arkayย Labada Kooxood Ee Banaadir SC iyo Gaadiidkaย Waxaana Ciyartaas oo ahayd kulankii Afaradย ay ku dhamaatay Bareejoย 1-1 ah iyadoo Noqoneysa kulankii ugu horeyay Ee Barbar Dhac ku dhamaaday sidii Horyaalku u Bilawday.
Goalka hore ayaa waxaa la hormartay Kooxda Kubada Cagta Ee Banaadir SC Iyadoo uu u dhaliyay Ciyaaryahanka Lambarka Afaraad uga Dheela Kooxdaย Cabdi Risaaq Cali Maxamed Afrax Waxaana isla qaybtii hore Ee Cyarta Goalka bareejada u dhaliyay Kooxda Gaadiidka Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Kenya Ee Gaadiidka u Ciyaara Ikechukwu Jamesย oo Ciyaarta bar bar dhac ka dhigay.
Isku dayo badan waa ay sameeyeen labada Kooxoodba hase ahaatee ma aysan u suura galin in ay Goolal kale la yimadaan Waxaana ay ku soo Dhamatay Ciyaarta 1-1 oo qaybtii Hore ay la kala yimaaden
PHOTO BY QADAR ย CALI NUURย
































































































