Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Bayern Munich iyo Wolfsburg oo Badin Waayay iyo Borussia Moenchengladbach oo Badisay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Bayern Munich iyo Wolfsburg oo Badin Waayay iyo Borussia Moenchengladbach oo Badisay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Schalke 04.

Garsoorihii ciyaarta Bastian Dankert ayaa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay ciyaaryahan Jerome Boateng oo daafaca uga ciyaarayay kooxda Bayern Munich.
Red

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Gool hayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer ayaa ciyaaryahan Eric Maxim Choupo-Moting ka qabtay rigooradii loo dhigay kooxda Schalke 04,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
pen

Kooxda Bayern Munich ayaa goolka la hormartay,waxaana daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben.
Roben cele
Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa aad ugu farxay goolka uu dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben.
Pep
Ciyaaryahan Benedikt Hoewedes ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Schalke 04.
gool
howcele
Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ku hogaamineyso 46-dhibcood,halka kooxda Schalke 04 ay horyaalka uga jirto kaalinta afaraad,iyadoo leh 31-dhibcood.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa garoonkeeda Commerzbank-Arena barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Wolfsburg oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka dalka Jarmalka.

Kooxda Frankfurt ayaa goolka la hor martay,waxaana bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Stefan Aigner.

Ciyaaryahan Kevin de Bruyne ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Wolfsburg.

Kooxda Wolfsburg ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga,waxana ay leedahay 38-dhibcood,halka kooxda Frankfurt ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Kooxda Borussia Moenchengladbach ayaa garoonkeeda Borussia-Park 1-0 uga badisay kooxda Freiburg.

Ciyaaryahan Patrick Herrmann ayaa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay Kooxda Borussia Moenchengladbach.

Kooxda Borussia Moenchengladbach ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jiro kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Freiburg 14-aad,iyadoo leh 18-dhibcood.

Kooxda Hannover 96 ayaa garoonkeeda HDI-Arena barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Mainz.

Kooxda Hannover 96 ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Jimmy Briand,sidasi ayaana lagu kala nasay qeybti hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Elkin Soto ayaa daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Mainz 05.

Kooxda Hannover 96 ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxda Mainz ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 22-dhibcood.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Kooxaha Manchester United,Sunderland iyo Preston North End oo u Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Manchester United,Sunderland iyo Preston North End oo u Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Kooxaha Manchester United,Sunderland iyo Preston North End oo u Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In