Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 5, 2015
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Chelsea,Man City,Arsenal,Man United,Liverpool iyo Tottenham oo Guulo Gaaray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda West Ham United ayaa waxaa garoonka Boleyn Ground 0-1 uga badiyay kooxda Chelsea oo hogaamineyso horyaalka ingiriiska.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Eden Hazard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Edin goolEdiin cele Edin cele Edin celee

Labada kooxood oo ka wada dhisan magaalada London ayana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga ku hogaamineyso 63-dhibcood,halka kooxda West Ham United ay horyaalka u soo dhaadhacday kaalinta tobanaad ee horyaalka,iyadoo leh 39-dhibcood.

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium 2-0 uga badisay kooxda Leicester City.

Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hoe ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan David Silva,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybii hore ee ciyaarta.

Silva goolSilva celeSilva celeeSilva celeee

Ciyaaryahan James Milner ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Manchester City.

James goolJmes gool

Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 58-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ugu hooseyso horyaalka ingiriiska.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa waxaa garoonkeeda LOFTUS ROAD 1-2 uga badiyay kooxda Arsenal.

Ciyaaryahan Olivier Giroud ayaa daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Arsenal.

Oliver gololi celeOliver cele

Ciyaaryahan Alexis Sanchez ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Arsenal.

San goolSan cele

Ciyaaryahan Charlie Austin ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka kaliya u dhaliyay kooxda Queens Park Rangers.

Austin gool

Kooxda Arsenal ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 54-dhibcood,halka kooxda Queens Park Rangers ay kamid noqotay sedaxda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.

Kooxda Newcastle United ayaa waxaa garoonkeeda St James´ Park 0-1 uga badiyay kooxda Newcastle United.

Ciyaaryahan Jonas Gutierrez oo ka soo kabsaday cudurka kansarka ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta bedel ku soo galay ciyaarta,iyadoo lagu bedelay ciyaaryahan Ryan Taylor.

Jonas

Kabtanka kooxda Newcastle United Fabricio Coloccini ayaa kabtanimada u dhiibay ciyaaryahan Jonas Gutierrez markii uu garoonka soo galay.

kab

Ciyaaryahan Ashley Young ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Manchester United.

Ash goolAsh celecaleee cele celeee sad

Kooxda Manchester United ayaa kaalinta afaraad uga jirto kala horeynta horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 53-dhibcood,halka kooxda Newcastle ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 35-dhibcood.

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield 2-0 uga badisay kooxda Burnley.

Kooxda Liverpool ayaa goolka la hor martay,waxaan daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Jordan Henderson,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Jor goolJord goolJor celeJord cele

Ciyaaryahan Daniel Sturridge ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Liverpool.

Dan gool Dani gool

Kooxda Liverpool ayaa kala horeynta horyaalka uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 51-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa garoonkeeda White Hart Line 3-2 uga badisay kooxda Swansea City.

Kooxda Tottenham ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii todobaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Nacer Chadli.

Nacer gool

Weeraryahanka kooxda Swansea City Bafetimbi Gomis ayaa dhulka ku dhacay oo suuxay qeybtii hore ee ciyaarta,iyadoo uu u baahday gargaar caafimaad oo deg deg ah,iyadoo garoonka looga qaaday sariir,waxaana loola cararay isbitaalka.

GomisGomis coout

Ciyaaryahan Sung-Yueng Ki ayaa daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Swansea City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Ryan Mason ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Tottenham.

Mason gool

Ciyaaryahan Andros Townsend ayaa daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Tottenham.

Town cele

Ciyaaryahan Gylfi Sigurdsson ayaa dhamaadkii ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Swansea City.

Kooxda Tottenham ayaa kala horeynta horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Swansea City ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 40-dhibcood.

Kooxda Stoke City ayaa garoonkeeda Britannia Stadium 2-0 uga badisay kooxda Everton.

Kooxda Stoke City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Victor Moses,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Moses goolMoses cele Moses celee

Ciyaaryahan Mame Biram Diouf ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Stoke City.

Diouf gol Mame goolDiof celesad

Tababaraha kooxda Everton ayaa waxaa saaran cadaadis xoogan,ka dib markii uu hal kulan oo kaliya uu ciyaaray 12-kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ingiriiska.

Robert

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ka soo gashay kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda Everton ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Dhexe Oo Kormeero Kale Duwan Ku Tagay Degmooyin Ka Tirsan gobolka Sh.Dhexe

Next Post

Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao oo ciyaari doono Finalka Koobka Copa Del Rey “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao oo ciyaari doono Finalka Koobka Copa Del Rey “SAWIRRO”

Kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao oo ciyaari doono Finalka Koobka Copa Del Rey “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In