Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Everton,Napoli iyo Sevilla oo Guulo Ka Gaaray Lugtii Koowaad ee Koobka Europa League-ga ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 13, 2015
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Everton,Napoli iyo Sevilla oo Guulo Ka Gaaray Lugtii Koowaad ee Koobka Europa League-ga ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Everton ee dalka ingiriiska ayaa lugtii koowaad ee koobka Europa League-ga garoonkeeda Goodison Park 2-1 uga badisay kooxda Dynamo Kyiv ee dalka Ukraine.

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Oleg Gusev.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Oleg goolOleg cele

Ciyaaryahan Steven Naismith ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool bareejo ah u dhaliyay kooxda Everton,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Steve goolSte cele

Ciyaaryahan Romelu Lukaku ayaa daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta goolka guusha oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Everton.

Luka penLuk cele

Kooxda Fiorentina ayaa lugtii koowaad ee koobka Europa League-ga garoonkeeda Stadio Artemio Franchi barbardhac 1-1ah kula gashay kooxda Roma oo ay ka wada ciyaaraan horyaalka talyaaniga.

Kooxda Fiorentina ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Josip Ilicic,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Seydou Keita ayaa daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Roma.

Kooxda Napoli ee dalka talyaaniga ayaa lugtii koowaad ee koobka Europa League-ga garoonkeeda Stadio San Paolo 3-1 uga badisay kooxda Dinamo Moscow ee dalka ruushka.

Kooxda Dinamo Moscow ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Kevin Kuranyi.

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa labo gool oo deg deg ah mid ka mid ahna uu rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Napoli,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Napoli.

Kooxda Villarreal ayaa waxaa lugtii koowaad ee koobka Europa League-ga garoonkeeda Estadio El Madrigal 3-1 uga badiyay kooxda Sevilla oo ay ka wada ciyaaraan horyaalka Spain ee La Liga.

Kooxda Sevilla ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Vitolo iyo Stephane M’Bia,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Kevin Gameiro ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Sevilla.

Kooxahan ayaa khamiista soo socoto ciyaari doono lugta labaad ee koobka Europa League-ga.

Previous Post

Kooxaha Wolfsburg,Zenit,Dnipro iyo Club Brugge oo Guulo Ka Gaaray Lugtii Koowad ee Europa League-ga ”SAWIRRO”

Next Post

Sawirro Madaxweynaha oo gaaray magaalada Sharm Il Sheikh

Next Post
Sawirro Madaxweynaha oo gaaray magaalada Sharm Il Sheikh

Sawirro Madaxweynaha oo gaaray magaalada Sharm Il Sheikh

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In