Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Manchester United,Swansea,West Brom,Stoke iyo Newcastle oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Manchester United,Swansea,West Brom,Stoke iyo Newcastle oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford 2-0 uga badisay kooxda Sunderland.

Garsoorihii ciyaarta Roger East ayaa daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta si qalad ah kaarka casaanka ku siiyay ciyaaryahan Wes Brown,waxana qaladka lagu siiyay galay kabtanka kooxda Sunderland John O’Shea.
sadMuranRedSaad
Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa gool u bedelay rigooradii loo dhigay kooxda Manchester United.
PenRoney cele 1Roney cele

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Roney celeee
Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Manchester United.
Roney goool 2Roney gool 2Roney Cele 2
Kooxda Manchester United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 50-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa garoonkeeda the Hawthorns 1-0 uga badisay kooxda Southampton.

Kooxda West Bromwich ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii labaad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay Saido Berahino,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Saido cele

Saido celee
Labada koxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda Southampton ayaa laga badiyay kulankii labaad oo xiriir ah.

Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 46-dhibcood,halka kooxda West Bromwich ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 30-dhibcood.

Kooxda Burnley ayaa waxaa garoonkeeda Turf Moore 0-1 uga badiyay kooxda Swansea City.

Kooxda Swansea City ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta gool dhalisay,waxaana daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta si qalad ah iskaga dhaliyay ciyaaryahan Kieran Trippier.
gool

gooolcele

celee
Kooxda Swansea City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 40-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Stoke City ayaa garoonkeeda Britannia Stadium 1-0 uga badisay kooxda Hull City.

Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Stoke City.
Peter goolcele

Peter cele

sad
Ciyaaryahan Crouch ayaa dhaliyay goolkiisii 46-aad oo uu madaxa ku dhaliyo,isagoo la sinmay ciyaaryahan Alan Shearer oo horey horyaalka ingiriiska uga dhaliyay 46-gool oo uu madaxa ku dhaliyay.

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 39-dhibcood,halka kooxda Hull City ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Newcastle United ayaa garoonkeeda St. James’ Park 1-0 uga badisay kooxda Aston Villa.

Ciyaaryahan Jonas Gutierrez oo ka soo kabsaday cudurka kansarka ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Newcastle United.
Jon

jonaas

Jonas
Kooxda Newcastle United ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Papiss Cisse,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Cise goolcelee

ciise cele

Ciisee

Cise cele
Kooxda Newcastle United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Crystal Palace oo Ka Badisay Kooxda West Ham United “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed

Next Post
Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed

Ciidamada Ammaanka Oo Ka Hortagay Weerar Argagaxisada Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Dhibaateeyaan Dadka Soomaaliyeed

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In