Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Roma,Lazio,Sampdoria iyo Torino oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Roma,Lazio,Sampdoria iyo Torino oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Cesena ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Dino Manuzzi 0-1 uga badiyay kooxda Roma.

Kooxda Roma ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Daniele De Rossi,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaaryahan De Rossi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka ilaa bishii August ee sanakdii 2013.

Kooxda Roma ma badin kulan ka tirsan horyaalka talyaaniga ilaa 8-dii bishii February ee sanadkan.

Kooxda Roma ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 53-dhibcood,halka kooxda Cesena ay ka midtahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Lazio ayaa garoonkeeda Stadio Olimpico 2-0 uga badisay kooxda Hellas Verona.

Kooxda Lazio ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Felipe Anderson iyo Antonio Candreva,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Lazio ayaa kulankii lixaad oo xiriir ah badisay horyaalka talyaaniga ee Serie A-da.

Kooxda Lazio ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto kala horeynta horyaalka talyaaniga waxana ay leedahay 52-dhibcood,halka kooxda Hellas Verona ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 32-dhibcood.

Kooxda Napoli ayaa garoonkeeda Stadio San Paolo barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Alejandro Daro Gomez ayaa daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Mauricio Pinilla ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka u dhaliyay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Duvan Zapata ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Napoli.

Kooxda Napoli ayaa u dhaadhacday kaalinta afaraad ee horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris 1-0 uga badisay kooxda Inter Milan.

Ciyaaryahan Eder ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Sampdoria.

Kooxda Sampdoria ayaa kaalinta sedaxaad ka soo gashay kala horeynta horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 48-dhibcood,halka kooxda Inter Milan ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 37-dhibcood.

Kooxda Torino ayaa garoonkeeda Stadio Ennio Tardini 2-0 uga badisay kooxda Parma.

Kooxda Torino ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Maxi Lopez.

Ciyaaryahan Alessandro Lucarelli ayaa qeybtii hore ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Parma.

Ciyaaryahan Migjen Basha ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Torino.

Kooxda Torino ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 39-dhibcood,halka kooxda Parma ay horyaalka ugu hooseyso.

Kooxda Udinese ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Friuli barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Fiorentina.

Kooxda Udinese ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Molla Wague,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Mario Gomez ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta labo gool oo deg deg ah u dhaliyay kooxda Fiorentina.

Ciyaaryahan Panagiotis Kone ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta goolka labaad ee bareejada u dhaliyay kooxda Udinese.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 46-dhicbood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uag jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Previous Post

Barcelona oo Kulankii El Clasico Ka Badisay Kooxda Real Madrid “SAWIRRO”

Next Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socota Buulo burte iyo Jalalaqsi

Next Post
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socota Buulo burte iyo Jalalaqsi

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In