Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Roma,Lazio,Sampdoria iyo Torino oo Guulo Gaaray

March 23, 2015
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Roma,Lazio,Sampdoria iyo Torino oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Cesena ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Dino Manuzzi 0-1 uga badiyay kooxda Roma.

Kooxda Roma ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Daniele De Rossi,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

March 31, 2022
Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

December 27, 2021

Ciyaaryahan De Rossi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka ilaa bishii August ee sanakdii 2013.

Kooxda Roma ma badin kulan ka tirsan horyaalka talyaaniga ilaa 8-dii bishii February ee sanadkan.

Kooxda Roma ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 53-dhibcood,halka kooxda Cesena ay ka midtahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Lazio ayaa garoonkeeda Stadio Olimpico 2-0 uga badisay kooxda Hellas Verona.

Kooxda Lazio ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Felipe Anderson iyo Antonio Candreva,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Lazio ayaa kulankii lixaad oo xiriir ah badisay horyaalka talyaaniga ee Serie A-da.

Kooxda Lazio ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto kala horeynta horyaalka talyaaniga waxana ay leedahay 52-dhibcood,halka kooxda Hellas Verona ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 32-dhibcood.

Kooxda Napoli ayaa garoonkeeda Stadio San Paolo barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Alejandro Daro Gomez ayaa daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Mauricio Pinilla ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka u dhaliyay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Duvan Zapata ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Napoli.

Kooxda Napoli ayaa u dhaadhacday kaalinta afaraad ee horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris 1-0 uga badisay kooxda Inter Milan.

Ciyaaryahan Eder ayaa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Sampdoria.

Kooxda Sampdoria ayaa kaalinta sedaxaad ka soo gashay kala horeynta horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 48-dhibcood,halka kooxda Inter Milan ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 37-dhibcood.

Kooxda Torino ayaa garoonkeeda Stadio Ennio Tardini 2-0 uga badisay kooxda Parma.

Kooxda Torino ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Maxi Lopez.

Ciyaaryahan Alessandro Lucarelli ayaa qeybtii hore ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Parma.

Ciyaaryahan Migjen Basha ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Torino.

Kooxda Torino ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 39-dhibcood,halka kooxda Parma ay horyaalka ugu hooseyso.

Kooxda Udinese ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Friuli barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Fiorentina.

Kooxda Udinese ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Molla Wague,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Mario Gomez ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta labo gool oo deg deg ah u dhaliyay kooxda Fiorentina.

Ciyaaryahan Panagiotis Kone ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta goolka labaad ee bareejada u dhaliyay kooxda Udinese.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 46-dhicbood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uag jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Previous Post

Barcelona oo Kulankii El Clasico Ka Badisay Kooxda Real Madrid “SAWIRRO”

Next Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socota Buulo burte iyo Jalalaqsi

Next Post
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socota Buulo burte iyo Jalalaqsi

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In