Daalibaan waxay qabsadeen magaalada Zaranj ee gobolka Nimruz ee Afgaanistaan, taasoo ka dhigaysa caasimaddii ugu horraysay ee gobol ee ay kooxdan ka waregaan dawladda Afghanistan iyada oo ay sii xoojinaysa weerarada laba gobol oo kale.
Muqaal baahiyaha Al Jazeeraayaa sheegay in ย magaalada Zaranj, oo ah caasimadda gobolka koonfureed ee Nimruz, ay gacanta u gashay argagixisada Daalibaan galnkii danbe ee Jimcihii.
Maleeshiyaadka Daaliban ย ayaa bilihii la soo dhaafay qabsaday degmooyin muhiim ah, waxayna cadaadis saareen dhowr Caasimad goboleed, oo ay ku jiraan Herat iyo Qandahaar, waxii ka danbeeyay ย markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen qeybo ka mid ah Afghanistan.