Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuiyadda weerar lagu qaaday Ciidamada Ciraaq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kooxda Daacish oo sheegatay mas’uuiyadda weerar lagu qaaday Ciidamada Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuiyada weerar lagu qaaday Ciidamo Ciraaqiyiin ah oo ku sugnaa Gobolka Anbar ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kooxda ISIL,ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 7-Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Ciraaq lagu dilay weeraro is xig xigay oo lagu qaaday Gobolka Anbar halka 16-kale la dhaawacay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Weerarka oo dhacay shalay gelinkii danbe ayaa lala bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo ay ciidamada Ciraaq kaga sugnaayeen Gobolka Anbar oo ku yaalo Galbeed magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Dowladda Ciraaq ayaa ciidamo cusub ku xoojisay goobaha la weeraray oo u dhow magaalada Ramaadi,waxayna Kooxda Daacish marka hore weerar ismiidaamin ah ku qaadeen xarunta Ciidamada, ka dibna goobta laga maqlay rasaas xooggan oo muddo kooban socotay.

Kooxda Daacisha ayaa magaalada Ramaadi laga saaray horaantii sanadkii 2015-kii,balse waxaa sii socday wixii intaasi ka danbeeyay weerarada ku dhifoo ka dhaqaaq ah ay ku qaadayeen Gobolka Anbar.

Weerarada ayaa daba socda,guulo is daba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay ay gaarayeen Ciidamada Ciraaq,sida lagu sheegay War ka soo baxay Dowladda Ciraaq.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Kooxda Daacish ay dishay ugu yaraan 60-Qof halka dhaawac uu soo gaaray toboneeyo kale ka dib weeraro mataano ah ay ku qaadeen magaalada Nasiriyah oo ku taalo Koonfurta Ciraaq.

Previous Post

Akhriso: Faah-faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga

Next Post

Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Next Post
Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Raashin loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Cabuudwaaq

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In