Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta oo lagu khaarajiyay degmada Ceeldheer

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 4, 2023
in Wararka
0
Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta oo lagu khaarajiyay degmada Ceeldheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta Alshabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu SONNA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Barre.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaas oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaas.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Taliyaha Macawisleyda degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Barre ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daa’uud oo khawaarijta u qaabilsan degmadaas.

Horjooge Saciid Daa’uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Barre in maalin ka hor uu degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis kuwaas kamid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wado gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70 dhagarqabeyaal ah.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyey Shir duceed la qaatay Madaxda Wasiirada Caafimadka Urur Goboleedka Afrika

Next Post

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Next Post
Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In