Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku dhawaad 30 carruur ah oo ka qalin jabisay Mu’asasad Umul Qura “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 27, 2015
in Wararka
0
Ku dhawaad 30 carruur ah oo ka qalin jabisay Mu’asasad Umul Qura “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan ku saabsaneyd qalin jebin Qur’aanka Kariimka Dufcaddii saddexaad ee M’asasad Umul Qura oo ay ka qalan jabinayeen 23 aday oo todobo ka mid ah ay gabdho yihiin, kuwaasi oo ka mid ah carruurta agoonta ee wax ka barta Mu’asasad Umul Qura ayaa waxaa ka qeyb galay waalidiin, carruurta qalin jebineysa iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn xafladda qalan jebinta waxaa ka hadal kooban ka jeedisay mid ka mid haweenkii ka qeyb galay  xafladda, iyadoo sheegtay in carruurta agoonta ah ee dhigata Mu’asasada Umul Qura ay ugu deeqeyso lacag dhan shan kun oo doolarka Mareykanka ah, iyadoo xustay in ay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Sheekh Cumar Macalin Cabdi oo ka mid ah Culimaa’udiinka ayaa ka sheekeeyay faa’iidada ay leedahay in la kafaalad qaado waxbarashada carruurta agoonta ah ee wax ka barta Mu’asasada Umul Qura, isagoo intii carruurta wax u qabatay Alle uga baryay in uu ajar ka siiyo.

Khadiijo Maxamed Maxamuud oo ka mid ah aaas aasayaasha Mu’asasad Umul Qura ayaa uga mahadcelisay waalidiita sida ay carruurta ugu dhiiri geliyeen in ay wax ka bartaan Mu’sasada Umul Qura, iyadoo tilmaamtay in ay tahay wax lagu farxo in carruur sodon ku dhaw ay iminka yihiin dad xaafidu Quraan ah.

Mu’asasada Umul Qura ayaa ah goob Qur’aanka kariimka ah lagu baro carruurta agoonta, waxaana dufcadda iminka ka qalin jebisay ay noqoneysa tii saddexaad ee ka aflaxda Mu’asasad Umul Qura ee Muqdisho, waxaana gabo gabadii shahaadooyin la gudoonsiiyay carruurta ka qalin jebisay xaruntaasi.

vlcsnap-4521082 vlcsnap-4521347 vlcsnap-4521591 vlcsnap-4521993 vlcsnap-4522317 vlcsnap-4522476 vlcsnap-4522782 vlcsnap-4522898 vlcsnap-4522964 vlcsnap-4523173 vlcsnap-4523482 vlcsnap-4523767 vlcsnap-4523962 vlcsnap-4524385 vlcsnap-4524553 vlcsnap-4524709 vlcsnap-4524867 vlcsnap-4525141 vlcsnap-4525441 vlcsnap-4526074  vlcsnap-4526527 vlcsnap-4526736 vlcsnap-4527176 vlcsnap-4527384 vlcsnap-4527518

Previous Post

Shir Looga Hadlayey La dagaalanka Kooxaha Xagjirka Ah Oo Nairobi Lagu soo Gabagabeeyey “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In