Ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ugu horeeyey la qaatay safiirak dowladda Switzerland u jooga Soomaaliya Dominik Langenkbarcher, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashagiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Switzerland ay Soomaaliya kaga caawin lahayd qibradda ay u leedahay hanaankaย Federaalka ee uu dalkeenaย qaatayย iyo faaโiidada uu u leeyahay bulshada.
Afhayeenka Barlamaankaย Soomaaliyaย kaga mahad celiyeyย dowladda Switzerland sida ay kaga goโan tahay tageerida dhismaha hayโaddaha dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay xiligaan u jihaysatayย waddo deer oo dhinaca horumarka ah, dowladda Switzerland ay ka korarsan karto qibradda dheer ee ay u leedahay nidaamka Federaalka oo ayย ku dhaqmaysay mudo ka badan 200sano.
Mr Dominikย safiirkaย dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya ayaa hoostaka xariiqay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay ka samaysay dowladda Soomaaliya, dhinacyadda kale duwan, dowladiisuna ay ka goโantahay in ayย Soomaaliya ka caawisoย hirgalintaย hiigsiga 2016ka.
Dhanka kale Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaankaย Soomaaliyaย ayaa xafiiskiisa ku qaabilayย ku-xigeenka ergeyga gaarka ah eeย Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Soomaaliya Peter de Clercqย ahna isuduwaha gargaarka beniโaadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ay kaย wada hadlaan qobado dhowr ah oo ay ka midย tahayย tayeyntaย dhallinyaradda Soomaliyeed si ay door weyn kaga qataanย dhimacyadda siyaasadda, waxbarasha iyoย sidiiย ay lagama maarmaan u tahay inย wax laga qabto dhibaatadaย beniโaadanimo ee ka jira deeganaadda qaar ee dalkaย iyo tan dadka barakacayaasha ah.
Ku-simaha Madaxwayanaha ayaaย Qaramadda midoobey ku adkeeyey sida ay u tahay mid lagama maarmaan ah in dhalinyaradda Soomaaliyeed la siiyo fursad, madaama dadka Soomaaliyeed lagu qiyaaso 75% inay yihiin dhallinyaro, wadatashi kastana ayย ka dhex-muuqdaan. ,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Peter de Clercq ayaa kulankooda iskula soo qaadayย dhibaatooyin ka dhalin karaย isbadalkaย cimilada adduunka oo dadka cilmiga u leh ay saadalinayaanย in laga yaabo in ay dhacdo fatahaadย ka iimaynsa dhinaca badda ah,ย loona baahan yahay inย laga sii tabaabusheesto, si aysan dhibaato ugu gaysan dadkaย degan meelaha xeebaha ah.












