Tuesday, August 16, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

September 29, 2015
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha walaallaha ah ee ka jira deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal.

“Hor iyo horaan waxaan ka tacsideynayaa dadkii ku dhintay xiisadaha u dhaxeeya dadka walaallaha ah ee xoolo dhaqatada ah oo xiisadahoodu weli ka taagan yihiin deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal, runtii waa wax aad iyo aad u xun oo aan wanaagsaneyn in xiligan uu daato dhiig sokeeye,waana waajib qof walba laga doonayo in uu gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dhiigaasi ka daadanaya dadka walaalaha ah”ayuu yiri ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha jira oo ah war aan farxad gelineyn qof walba oo damiir leh, waxaan dhiira gelinayaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan odayaasha,isimada,waxgaradka iyo garaadyada labada dhinac, sidoo kalena waxaan aad u dhiira gelinayaa dadaallada Puntland ay ku dooneyso in xal looga gaaro arrimahaasi, si taasi la mid ahna waan ku boorinayaa cid walba iney ka qeyb qaadato sidii dagaalladaasi xal looga gaari lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu Alle subxaanahu watacaalaa ka baryey in umadda walaallaha ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso uu quluubtooda isku soo dumo islamarkaana inta ku howlan xal u helidda arimahaasi uu ku guulleeyo dadaalkooda.

 

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ku-xigeenka QM iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya

Next Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiiri gelin ah loo sameeyay "SAWIRRO"

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
0

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax...

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo...

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

August 15, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed...

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

August 15, 2022
0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In