Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ku-xigeenka QM iyo safiirka Switzerland ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 29, 2015
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ugu horeeyey la qaatay safiirak dowladda Switzerland u jooga Soomaaliya Dominik Langenkbarcher, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashagiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowladda Switzerland ay Soomaaliya kaga caawin lahayd qibradda ay u leedahay hanaanka  Federaalka ee uu dalkeena  qaatay  iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada.

Afhayeenka Barlamaanka  Soomaaliya  kaga mahad celiyey  dowladda Switzerland sida ay kaga go’an tahay tageerida dhismaha hay’addaha dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay xiligaan u jihaysatay  waddo deer oo dhinaca horumarka ah, dowladda Switzerland ay ka korarsan karto qibradda dheer ee ay u leedahay nidaamka Federaalka oo ay  ku dhaqmaysay mudo ka badan 200sano.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Mr Dominik  safiirka  dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya ayaa hoostaka xariiqay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay ka samaysay dowladda Soomaaliya, dhinacyadda kale duwan, dowladiisuna ay ka go’antahay in ay  Soomaaliya ka caawiso  hirgalinta  hiigsiga 2016ka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku-simaha Madaxwaynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka  Soomaaliya  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq  ahna isuduwaha gargaarka beni’aadanimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ay ka wada hadlaan qobado dhowr ah oo ay ka mid  tahay  tayeynta  dhallinyaradda Soomaliyeed si ay door weyn kaga qataan  dhimacyadda siyaasadda, waxbarasha iyo  sidii  ay lagama maarmaan u tahay in  wax laga qabto dhibaatada  beni’aadanimo ee ka jira deeganaadda qaar ee dalka  iyo tan dadka barakacayaasha ah.

Ku-simaha Madaxwayanaha ayaa  Qaramadda midoobey ku adkeeyey sida ay u tahay mid lagama maarmaan ah in dhalinyaradda Soomaaliyeed la siiyo fursad, madaama dadka Soomaaliyeed lagu qiyaaso 75% inay yihiin dhallinyaro, wadatashi kastana ay  ka dhex-muuqdaan. ,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Peter de Clercq ayaa kulankooda iskula soo qaaday  dhibaatooyin ka dhalin kara  isbadalka  cimilada adduunka oo dadka cilmiga u leh ay saadalinayaan  in laga yaabo in ay dhacdo fatahaad  ka iimaynsa dhinaca badda ah,  loona baahan yahay in  laga sii tabaabusheesto, si aysan dhibaato ugu gaysan dadka  degan meelaha xeebaha ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

Next Post
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha u dhaxeeya Walaalaha Sool iyo Nugaal WARSAXAAFADEED

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In