Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ah ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomihii hore ee Baarlamaanka Marxuum Jaamac C/laahi Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Jaamac C/laahi Qaalib oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya intii u dhaxeysay 1960kii-1964kii, waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo” ayuu yiri Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Allaha u naxariistee marxuum Jaamac C/laahi Qaalib waxa uu ku dhashay xaafada Jaamac Weyn ee magaalada Hargeysa sanadka markuu ahaa 1930kii waxaana uu xifdinta qur’aanka kariimka ku bartay malcamada qur’aanka ee Sheekh Haaruun, kadib waxa uu waxbarasho usii aaday magaalada Cadan ee dalka Yemen halkaasi oo uu uga sii gudbay dalka Ingiriiska waxaana uu dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay sanadka markuu ahaa 1956kii xiligaasi oo uu ka qeyb qaatay halkii xornimo doonka.

Dhanka siyaasadda waxa uu xubin fir fircoon ka ahaa xisbigii SNL oo ka dhisnaa gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, doorashadii 1960kii uu ku noqday xubin Baarlamaan waxaa laga soo doortay magaalada Sallaxleey ee gobolka Togdheer waxaana loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya 30kii Juun 1960kii ayadoo Baarlamaankaasina uu ka koobnaa 123 Xildhibaan, xalay ayuuna ku geeriyooday magaalada Lusaka ee wadanka Zambia.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Previous Post

wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Next Post
Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In