Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simaha Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

caqiil by caqiil
July 13, 2015
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ah ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomihii hore ee Baarlamaanka Marxuum Jaamac C/laahi Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Jaamac C/laahi Qaalib oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya intii u dhaxeysay 1960kii-1964kii, waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo” ayuu yiri Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Allaha u naxariistee marxuum Jaamac C/laahi Qaalib waxa uu ku dhashay xaafada Jaamac Weyn ee magaalada Hargeysa sanadka markuu ahaa 1930kii waxaana uu xifdinta qur’aanka kariimka ku bartay malcamada qur’aanka ee Sheekh Haaruun, kadib waxa uu waxbarasho usii aaday magaalada Cadan ee dalka Yemen halkaasi oo uu uga sii gudbay dalka Ingiriiska waxaana uu dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtay sanadka markuu ahaa 1956kii xiligaasi oo uu ka qeyb qaatay halkii xornimo doonka.

Dhanka siyaasadda waxa uu xubin fir fircoon ka ahaa xisbigii SNL oo ka dhisnaa gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, doorashadii 1960kii uu ku noqday xubin Baarlamaan waxaa laga soo doortay magaalada Sallaxleey ee gobolka Togdheer waxaana loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya 30kii Juun 1960kii ayadoo Baarlamaankaasina uu ka koobnaa 123 Xildhibaan, xalay ayuuna ku geeriyooday magaalada Lusaka ee wadanka Zambia.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

 

Previous Post

wasiir ku xigeenka Maaliyadda; “Maanta laga bilaabo shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogto ayuu noqonayaa”

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Next Post
Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe-Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In