Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka halkaas oo ay si habsami leh uga socoto shaqada dib u qaabeynta Qaranka Soomaaliyeed ee shanta sanno ee soo socota.

Ku-xigeenka xog-hayaha Joogtada ah ee xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha JFS Mudane Cabdirasaaq oo warbixin kooban ka siiyey shaqada ka socoto xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa sheegay in muddo ka badan 20 cisho, khuburo laga soo xulay hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda oo uu hoggaaminayo xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha JFS ay ku sugan yihiin halkaan kuwaas oo waqtigooda isugu geeyey diyaarinta qorshe Qaran kaas oo Isbeddal dhab ah u horseedi kara Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Waxa uu sheegay in โ€œDhisidda karaanka hayโ€™adaha dowladda, maamul wanaagga, xoojinta maalgashiga qeybaha wax soo saarka dalka iyo hagaajinta adeegyada guud ee dadweynaha ay kamid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee Qorshahani diiradda saarayo, si taas loo gaarana waxaaa sheybaar kastaahi ka shaqeyn doonaa arrimaha mudnaanta u leh hayโ€™adaha dowladeed ee uu matalayo. Farqi aad u mug weyn ayaa noo dhexeeya annaga iyo dunida horumartay, qiimeen walba waxaan kaga jirnaa kaalinta ugu hooseysa sidaa darteed haddii aan si dhab ah u fulino Diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka wuxuu nagu hoggaamin doonaa inaan muddo kooban ku yareyno farqiga noo dhexeeya annaga iyo wadamada horumaray islamarkaana aan gaarno halka aan hiigsaneynoโ€.

Mudane Aadan Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa xaruntan kormeeray sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka isaga oo sheegay in tani ay tahay mid dhiirigalineysa Qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri โ€œWaxaan rabaa in qroshahani uu ka tarjamo xalinta caqabadaha shaqo ee ka jira Qaranka islamarkaana uu xoojiyo wada shaqeynta dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Maadaama uu dalku Federaal yahay, waxaan soojeedinayaa in aad xoogga saartaan kala saaridda waxyaabaha qaaska u ah dowladda iyo waxyaabaha ay dowlad goboleedyadu kala shaqeynayaan, waa in aad ilaalisaan silsiladda isku xirka iyo isku haynta dowladda ee labada heer, waxaan sidoo kale rabnaa in dhammaan umadda Soomaaliyeed ay fahmaan nidaamka Federaalka, haddii aan Federaal qaadanno macnaheeda ma ahan in dadka Soomaaliyeed ay kala tagaan ee waa in la daadajiyo adeegyada dowladda oo la gaar siiyo qof walba Soomaaliya ahโ€.

Diyaarinta Qorshan ayaa la daahfuray 16-kii bisha October ee sannadkan waxaana ujeedku yahay in qoraalka kama dambeysta ah ee Qorshaha Isbeddalka Qaranka lasoo saaro dhammaadka Bisha December ee 2024, si dalkeennu u helo jiheeye dhab ah oo ku haga horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Next Post

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Next Post
Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In