Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka halkaas oo ay si habsami leh uga socoto shaqada dib u qaabeynta Qaranka Soomaaliyeed ee shanta sanno ee soo socota.

Ku-xigeenka xog-hayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Cabdirasaaq oo warbixin kooban ka siiyey shaqada ka socoto xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa sheegay in muddo ka badan 20 cisho, khuburo laga soo xulay hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo uu hoggaaminayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JFS ay ku sugan yihiin halkaan kuwaas oo waqtigooda isugu geeyey diyaarinta qorshe Qaran kaas oo Isbeddal dhab ah u horseedi kara Qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Waxa uu sheegay in “Dhisidda karaanka hay’adaha dowladda, maamul wanaagga, xoojinta maalgashiga qeybaha wax soo saarka dalka iyo hagaajinta adeegyada guud ee dadweynaha ay kamid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee Qorshahani diiradda saarayo, si taas loo gaarana waxaaa sheybaar kastaahi ka shaqeyn doonaa arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladeed ee uu matalayo. Farqi aad u mug weyn ayaa noo dhexeeya annaga iyo dunida horumartay, qiimeen walba waxaan kaga jirnaa kaalinta ugu hooseysa sidaa darteed haddii aan si dhab ah u fulino Diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka wuxuu nagu hoggaamin doonaa inaan muddo kooban ku yareyno farqiga noo dhexeeya annaga iyo wadamada horumaray islamarkaana aan gaarno halka aan hiigsaneyno”.

Mudane Aadan Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa xaruntan kormeeray sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddalka Qaranka isaga oo sheegay in tani ay tahay mid dhiirigalineysa Qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu yiri “Waxaan rabaa in qroshahani uu ka tarjamo xalinta caqabadaha shaqo ee ka jira Qaranka islamarkaana uu xoojiyo wada shaqeynta dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Maadaama uu dalku Federaal yahay, waxaan soojeedinayaa in aad xoogga saartaan kala saaridda waxyaabaha qaaska u ah dowladda iyo waxyaabaha ay dowlad goboleedyadu kala shaqeynayaan, waa in aad ilaalisaan silsiladda isku xirka iyo isku haynta dowladda ee labada heer, waxaan sidoo kale rabnaa in dhammaan umadda Soomaaliyeed ay fahmaan nidaamka Federaalka, haddii aan Federaal qaadanno macnaheeda ma ahan in dadka Soomaaliyeed ay kala tagaan ee waa in la daadajiyo adeegyada dowladda oo la gaar siiyo qof walba Soomaaliya ah”.

Diyaarinta Qorshan ayaa la daahfuray 16-kii bisha October ee sannadkan waxaana ujeedku yahay in qoraalka kama dambeysta ah ee Qorshaha Isbeddalka Qaranka lasoo saaro dhammaadka Bisha December ee 2024, si dalkeennu u helo jiheeye dhab ah oo ku haga horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Next Post

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Next Post
Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

October 16, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In