Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ku faraxsantahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, wuxuuna Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda Qaranka ee 2025, oo uu shalay ansixiyay Baarlamaanka labadiisa aqal.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Dhinaca kale Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhoweyneyso dimaqraadiyadda iyo qorshaha Dowladda Soomaaliya ay waddo ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Safiirka ku bogaadiyay taageeradda dhinacyada kala duwan leh oo ay dowladda Ingiriiska la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaariijta.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnado gargaar ah u dirtay Baydhabo

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In