Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 9, 2015—–Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, waxaana kulankan sidoo kale ku wehliyay R.wasaare kuxigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dowle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda.

Wafdiga ayaa kala hadlay Xubnaha Golaha Xukuumadda ee ay la kulmeen, horumarinta Barnaamijka New Deal, iyadoo la isku soo qaaday arrimo dhowr ah oo ka mid tahay caqabadaha hortaagan fulinta howlaha mudnaanta leh ee ku jira Barnaamijka Hiigsiga cusub, (New Deal). Waxaana la isla gartay in si deg deg ah loo fuliyo mashaariicdii la ansixiyey ee barnaamijka Hiigsiga cusub, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah Hiigsiga 2016.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in wax badan aysan ka qabsoomin barnaamijyadii la qorsheeyey, isaga oo ka codsaday deeq-bixiyeyaasha in si deg deg ah loo fasaxo kharashaadkii la ballan qaaday si loogu fuliyo masharaacdii la ansxiyay. Isagoo tilmaamay qodobada u baahan in wax laga qabto ay ka mid yihiin Dastuurka, Caddaaladda iyo Amniga.

“Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Hiigsiga cusub uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowlad-nimada Soomaaliya, kuwaasi oo la soo marsiiyey khasnadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxaana ka mid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeedka shirkan maanta aan la qaadanay Wafdigii ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah wuxuu ahaa, sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka Hiigsiga cusub. Waxaana goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ka mid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee barnaamijka Hiigsiga cusub ku xusnaa” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax yaabaha ay kala hadleen Dawladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan deeq-bixiyeyaasha, iyadoo rajo ka muujisay in la saxo caqabaddaha jira, lana dardargeliyo mashaariicdii la qorsheeyey fulintooda, sida ugu dhaqsaha badan.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Next Post

Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay  

Next Post
Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay  

Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay  

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In