Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 9, 2015—–Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, waxaana kulankan sidoo kale ku wehliyay R.wasaare kuxigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dowle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda.

Wafdiga ayaa kala hadlay Xubnaha Golaha Xukuumadda ee ay la kulmeen, horumarinta Barnaamijka New Deal, iyadoo la isku soo qaaday arrimo dhowr ah oo ka mid tahay caqabadaha hortaagan fulinta howlaha mudnaanta leh ee ku jira Barnaamijka Hiigsiga cusub, (New Deal). Waxaana la isla gartay in si deg deg ah loo fuliyo mashaariicdii la ansixiyey ee barnaamijka Hiigsiga cusub, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah Hiigsiga 2016.

Related posts

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in wax badan aysan ka qabsoomin barnaamijyadii la qorsheeyey, isaga oo ka codsaday deeq-bixiyeyaasha in si deg deg ah loo fasaxo kharashaadkii la ballan qaaday si loogu fuliyo masharaacdii la ansxiyay. Isagoo tilmaamay qodobada u baahan in wax laga qabto ay ka mid yihiin Dastuurka, Caddaaladda iyo Amniga.

โ€œWaxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Hiigsiga cusub uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasiโ€ ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowlad-nimada Soomaaliya, kuwaasi oo la soo marsiiyey khasnadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxaana ka mid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

โ€œUjeedka shirkan maanta aan la qaadanay Wafdigii ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah wuxuu ahaa, sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka Hiigsiga cusub. Waxaana goobta ka sheegnay sida ay nooga goโ€™an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ka mid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee barnaamijka Hiigsiga cusub ku xusnaaโ€ ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax yaabaha ay kala hadleen Dawladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan deeq-bixiyeyaasha, iyadoo rajo ka muujisay in la saxo caqabaddaha jira, lana dardargeliyo mashaariicdii la qorsheeyey fulintooda, sida ugu dhaqsaha badan.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay ย roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Next Post

Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay ย 

Next Post
Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay ย 

Daawo Sawirrada:- Munaasabad Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Hiliwaa Lagu Qabtay ย 

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beniโ€™aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‰๐…๐’

January 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In