Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 9, 2015
in Wararka
0
Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato oo ku dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwweynaha Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobalada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.

Deegaano katirsan Gobalada Bari iyo Gardafuu ayuu madaxweynuhu sheegay in duufaantaasi khashaaro u geysatay , waxaana dumay guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi , halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

‘’ Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

Wadooyinka Go’ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii  madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

‘’ Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah ‘’ Ayuu yiri  Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Dr Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Dawladda Puntland dhankeeda qaadanayso waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeyta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .

 

-DHAMMAAD-

 

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Next Post
Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden “Sawirro”

Ku-simaha R. Wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In