Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 18, 2015
in Wararka
0
Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18, June, 2015…..Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Axmed Jamac “Ilka Jiir” ayaa u diray Hambalyo ku aadan bilashada bisha barakaysan ee Ramadan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda, waxaan hambalyo ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana lee yahay farxad ku sooma idinka iyo qoysaskiina, Soonku waa rugniga afraad ee shanta tiir ee Islaamka, waxaana looga gol leeyahay in qofka muslimka ah uu ogaado dhibaatada ay leedahay gaajada iyo oonka, si ugu gargaaro kuwa aan waxba haysan” ayuu yiri ku simaha RW

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Bishaan waa bishii naxariista, waa bishii danbi dhaafka, waana bishii Ilaahay dadka naarta ka xoraynayey, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan waa in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, isna caawiyaan. Anigoo fursadaan ka fa’iidaysanaya waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa iney caawiyaan walaalhooda ka soo qaxaya dalka Yemen” ayuu yiri ku simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu danbayntii ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Bisha barakaysan ee Ramadan ay muslimiinta tusaale fiican u tahay una taagan tahay adkaynta midnimada Muslimiinta, kor u qaadida qiimaha uu leeyahay Islaamku iyo sare u qaadida kaalamada dhaqaale ee loo fidinayo dadka saboolka ah.

—DHAMAAD—

 

Previous Post

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Isku Day UGUS Ay Ku Doonayeen In Ay Ku Weeraraan Xarunta Shirka Cadaado Uu Ka Socdo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In